Madaxweynaha «Somali state» oo dhiirigalin u sameeyay wiilkii reer Norway oo shaqadiisa ay tolkii kula coloobeen.

0
179

Madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida, Mustafa cagjar ayaa xarunta magaalada jig-jiga kulan martiqaad ah ugu sameeyay Sadiiq Faarax Heybe oo dalkan Norway horey u joogi jiray, hadana ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deegaanka.

Sadiiq oo sheekadiisu aad looga hadalhayay warbaahinta soomaalida iyo baraha bulshada , ayaa 14 sano oo uu Norway ku sugnaa, go´aansaday inuu ku noqdo dalkiisii hooyo. Dhibaatooyin xaga sharciga kasoo wajahay dartood, sida uu sheegay isagu.

Wuxuuna ku noqday magaalada Jig-jiga oo uu ka furtay goob shaqo oo ah doobiga dharka lagu dhaqo ah. Sadiiq ayaa shaqadiisa darteed colaad kala kulmay qoyskiisa, oo ku colaadiyay nooca shaqo ee uu doortay, kuna tilmaamay inay tahay shaqo aan lagu aqoon qoyskooda.

Waxaana idaacada BBC-da ka hadlay xubo katirsan qoyska Sadiiq oo sheegay ín Sadiiq ay deyrin doonaan, hadii uusan joojin shaqada noocaas ah.

Madaxweyne Mustaf : Sadiiq waa tusaale muuqdo

Madaxweynaha dowlad deegaanka, Mustafa Cagjar ayaa sheegay in Sadiiq uu tusaale fiican u yahay guud ahaan dhalinta soomaalida. Wuxuuna balan qaaday in dowlada ay Sadiiq ka caawin doonto qalabka shaqada, si Sadiiq uu balaariyo xirfadiisa.

Halkan ka daawo muuqaalka kulanka Cagjar iyo Sadiiq

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments