Gabar soomaali ah oo xijaaban oo gudoomiye ka noqotay degmo kutaal UK.

0
161
Foto: BBCNEWS

Rakhiya Ismaaciil oo ah gabar asal ahaan soomaali ah, ayaa 16-kii bishan May loo doortay inay noqoto gudoomiyaha degmada Islington ee Waqooyiga magaaladaLondon.

Rakhiya ayaa siyaasadda ku jirtay in muddo ah, waxayna golaha maamulka London kamid ahayd tan iyo sanadkii 2012-kii.

«Ma jiro qof kugu marti galinaya inaad ka qeyb qaadato, balse waa inaad adiga isxilqaanto , waxaana lagaa rabaa inaad fahanto sida go’aannada loo sameeyo, goorta la sameeyo iyo cidda sameysa intaba», ayey tidhi mar ay ka hadleysay khibradda maamulka.

Rakhiya ayaa noqon doonto haweeneydii ugu horreysay ee xijaab xiran oo dalka Ingiriiska ka noqotay barasaab ama guddoomiye degmo.

Gabadhan soomaalida asalkeedu yahay ayaa wax ku baratay gudaha UK, waxayna xilal kasoo qabatay iskuulkii ay wax ka dhiganeysay, iyadoo markii dambena u xubin fir-fircoon oo muuqda ka noqotay howlaha siyaasada degmada ay hada duqa u noqotay.

XIgasho/kilde: BBC

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments