Gabadha boqorka Norway oo loogu baaqay inay iska reebto magac-maamuuska «Ina boqor»

0
166
Foto: Skjermdump TV2

Warbaahinta dalkan Norway ayaa wali si aad ah usii hadalheysa saaxiibka cusub ee gabadha boqorka dalkan Norway, Durek Verrett oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka. Sheegtana inuu la hadlo ruuxaamo, daaweeyana cuduro dhowr ah.

Barnaamijka dooda xaley ee TV-ga qaranka Norway ee NRK, ayaa gabi ahaantii ku saabsanaa saaxiibtinimada cusub ee Durek iyo Martha, iyo saameynta ay ku yeelan karto qoyska boqortooyada Norway.

Prinsesse Märtha Louise oo ah mid kamid laba ilmood ee uu dhalay boqorka dalkan Norway, ayaa la saaxiibka ninkan ku heshay taageero badan oo dadweynaha uga imaaneyso. Iyada oo lagu amaanayo inay muujisay geesinimo, iyo xornimada inay dooran karto qofka ay iyadu rabto. Ama ay u aragto inay nolol la wadaagi karto, iyada oo aan u fiirineyn midab, deegaan ama mansab(kursi).

Dhanka kale, waxaa jiro dhaleeceyn badan oo uga imaaneyso bulshada qeybo kamid ah. Iyada oo Martha lagu eedeynayo inay ku fududaatay shaacinta arintan, aysana ka fiirsan dhaawaca ay usoo jeedi karto sumcada qoyska reer boqorka Norway.

Waxaana aad loogu dhaliilayaa in ninkan uu sheegto waxyaabo aan caqliga caadiga ah aqbili karin, sida uu yareeyo da´da dadka gaboobay, ama uu daaweeyo cudurada ku dhaca dhiiga, isaga oo adeegsanayo awooda ruuxaan rabaani ah. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu horey saaxiib ula ahaa qof nin ah, uuna leeyahay labo nafood oo midna dumar tahay, midna rag.

Waxaa jiro baaqyo loo soo jeediyay Prinsesse Märtha Louise, oo ku aadan inay iska reebto magaca Prinsesse oo soomaali ahaan u dhigma ina Boqor. Si markaas ninkan uusan uga faa´iideysan sumcada qoyska, si ay ugu furmaan albaabo ganacsi oo cusub. Ama uusan usoo gaarsiin dhaawac sumcada qoyska ee bulshada dhexdeeda.

Wali waxaa socoto dooda arintan, iyada aqalka boqortooyada Norway aysan si furan uga hadlin arintan kusoo biirtay qoyskooda.

Halkan ka daawo dooda xaley NRK oo gabi ahaanteed ku saabsaneyd arintan

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments