Frp: Korka halagala socdo dugsiyada Quraanka Norway.

0
138
Foto: Frp

Sida uu sheegay afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga Frp, xisbigaas ayaa soo jeedinayo in la helo hab lagula socdo dugsiyada quraanka Norway. Isaga oo sheegay in dugsiyada quraanku ay yihiin kuwo xiran, aana la ogeyn waxa ciyaalka lagu baro halkaas, ama qiyaasta waqtiga ay halkaas joogaan.

Jon Helgheim ayaa raaciyay in caruurta kunool Norway ay u baahanyihiin inay waqti dheeri ah la qaataan caruurta kale ee Norwiijiga asal ah. Si ay u sameeyaan isku dhexgal.

Isaga oo raaciyay in caruurta dhigta dugsiyada quraanka ay u baahanyihiin waqti bulsho oo dheeri ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Isbuucan dhamaadkiisa ayaa waxaa dhici doono shirweynaha xisbiga Frp, waxaana halkaas lagu soo bandhigi doonaa warbixin ay gudi katirsan xisbigaas ka diyaariyeen soo galootiga.

Xigasho/kilde: ABC-Nyheter.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments