Frp: Dadka diida qaadashada deynta guryaha, halaga gooyo «bostøtten»

0
134
Foto: Frp

Isbuucii hore wargeyska Klassekampen ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xog uruurin laga sameeyay soomaalida Norway, kuwaas oo sheegay in ribadda(dulsaarka) la socoto deynta ay ka hortaagantahay gadashada guryaha.

Soomaalida xog uruurinta laga sameeyay ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan cawaaqibta diiniga ah ee ka imaan karta qaadashada deynta ay ribaddu la socoto ee guryaha lagu iibsado.

Frp: Halaga jaro «bostøtten»

Afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga Frp ayaa maanta warbaahinta u sheegay in xisbigiisu uu qiimeynayo soo jeedin ku saabsan in lacagta kaalmada kirada guryaha ee qoysaska danyarta ah(Bostøtten), laga jaro dadka diida inay qaataan deynta guryaha. Iyaga oo ku sababeynayo arimo diin la xiriira.

Jon Helgheim ayaa sheegay in hadii dadka qaarkiis ay doortaan inay ku xirnaadaan kaalmada dowlada, ayna diidaan qaadashada deynta, sababa la xiriira deyn, ay tahay in la qiimeyo in laga jaro kaalmada dowlada.

Wuxuuna kasoo horjeestay in sharci fududeyn loo sameeyo dadka aan rabin inay qaataan deynta ay la socoto ribadda, rabana in loo furo suuq deyn islaami ah. Isaga oo sheegay inay muhiim tahay in bulshada wadanka si isku mid ah loola dhaqmo, baahida koox gaar ahna aan qadarin dheeri ah la siin.

Afhayeenka Frp ayaa sii raaciyay in shaqada dowlada aysan aheyn in la xaliyo dhibaatada ka timaada ribadda deymaha.

Qof bostøtte qaato deyn ma qaadan karaan:

Hadalka kasoo yeeray afhayeenka Frp, ayaa maanta si aad ah looga hadalhayaa warbaahinta Norway iyo baraha bulshada. Su aal dad badan isweydiinayaan ayaa ah in qof danyar ah oo qaata lacagta kabka in loo ogolaan karo qaadashada deynta guryaha.

Dadka raba inay qaataan deynta guryaha, ayaa waxaa ku xiran shuruudo dhaqaale oo adag. Taas oo dad badan oo danyar ah, aan suurtogal uga dhigi karin inay qaataan deynta guryaha, xitaa hadii ay rabaan.

Dad badan ayaa siyaasiyiinta Frp ku eedeynayo ineysan soo akhrin sharciyada iyo xeerarka ku xeeran soo jeedimaha ay keenaan, kahor inta aysan idaacada la imaan.

Xigasho/kilde: Klassekampen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments