Fikrad uu keenay wiil soomaali ah oo boqolaal milyan u baajin karta dukaamada cuntada.

0
198
Foto: faksimile/Varden.no

Asad Ismail waa 24 sano jir soomaali ah oo isbuucyadan isaga iyo shirkad uu aas-aasay aad looga hadalhayay warbaahinta dalkan Norway.

Asad waxa ay isaga iyo saaxiibtii abuureen shirkad IT-ga ah oo hadii lagu guuleysto, 80-90% dukaamada cuntada iibisa u baajin karta cuntada ay daadiyaan, marka ay taariikhda dhicitaanka dhaafaan. Waxeyna Dukaamada sanadkii u baajin kartaa lacag gaareyso malaayiin kr.

Foto:faksimile/telemarmavisen.no

Asad ayaa sheegay in aalada IT-ga ah ee shirkadiisa ay shaqaalaha ka shaqeeyo dukaamada cuntada siin karto ka warqab dhow oo ay kula socdaan taariikhda dhicitaanka, sidaasna ay uga baaqsan karaan inay daadiyaan. Muhiimaduna ay tahay in cuntada la iibiyo kahor inta aysan dhaafin taariikhda dhicitaanka.

Tiro laga soo xigtay ururka iskaashada ganacstada ee NHO, waxaa sanadkii Norway la daadiyaa 355 000 tonn oo cunto ah, kuwaas oo aan laga faa´iideysan inta aysan dhicin kahor. Cuntada sanadkii la daadiyo Norway ayaa ku fadhido lacag dhan lix bilyan oo lacagta Norway ah.

Asad iyo shirkadiisa cusub ayaa hadii ku guuleystaan tijaabooyinka, ayna sameeyaam nidaam meelmarineed, waxey sanad walba boqolaal Milyan u baajin kartaa dukaamada cuntada.

Asad ayaa horey taageero uga helay xarunta Innovasjon Norge, waxeyna siiyeen lacag bilow ah oo ay fikradooda ku fadhiisiyaan. Wuxuuna wargeyska Telemarkavisen u sheegay inuu hada raadinayo maalgashi weyn, si ay fikrada ganacsi ee shirkadooda ay u hirgalaayn isaga iyo saaxiibkii. Isaga oo rajeynayo inay la shaqo galaan mid kamid ah shirkadaha waaweyn ee iska leh dukaamada cuntada lagu iibiyo.

Sida uu ku sheegay wareysiga Telemarkavisen Asad ayaa Norway yimid isaga oo lix sano jir ah, wuxuuna ku koray magaalada Skien. Booqasho uu kuu tagay Soomaaliya ayaa fahansiisay qiimaha cuntada la daadiyo ee Norway, wuxuuna xiligaas go´aansaday inuu wax ka qabto arintaas. Taas oo markii danbe dhashay inuu fikradan shirkadeed la imaado.

Xigasho/kilde: Telemarkavisen, Varden.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments