Denmark: Reysulwasaare gabar uu sodog u yahay lagu qasbay inay ka baxdo dalkii uu xukumayay.

0
88
Reysulwasaaraha Denmark: Lars Løkke Rasmussen

Waxaa dhawaan dalka Denmark ka dhici doonto doorashada baarlamaanka dalkaas. Iyada oo reysulwasaaraha hada Denmark xukumo, Lars Løkke Rasmussen uu dagaal cido ku dirir ah ugu jiro, sidii xisbigiisu uu markale hogaanka dalkaas usii heyn lahaa.

R.W Lars Røkke oo maalin dhaweyd ka qeybgalay dood la xiriirta doorashada, ayaa mid kamid ah dadweynaha uu weydiiyay dhibaatada ka heysata inuu Denmark keeni waayay xaaskiisa oo Mareykanka u dhalatay. Sababtuna ay tahay xeerka 24-ka sano.

Xeerkan 24-ka ayaa dhigaya in qofka Denmark loogu dacwoonaya(la keenayo), iyo kan wax u dacwoonayaba ay waajib tahay inay jiraan 24- sano. Waxaa xeerkan asalkiisii hore loogu dan lahaa, in la xakameeyo soo galootiga dalkaas ee xaasaska dhalinyarada ah ka keensada dalalkii ay asal ahaan kasoo jeedeen.

R.W Lars: Gabadha aan sodoga u ahay ayaa loo diiday inay joogto.

Wiilka reysulwasaara´ha Denmark iyo saaxiibtiis. 
Foto: Martin Sylvest/Ritzau Scanpix 2019

Reysulwasaaraha Denmark oo ka jawaabaya su´aasha la weydiiyay, ayaa tusaale usoo qaatay:

Anigu waxaan heystaa wiil 29 jir ah. Saaxiibtiisna aysan buuxin 24 sano, waxay shahaadada bachelor ka diyaarinaysaa jaamacadda Harvard University. Waxay Denmark ku qaadanaysay qayb ka mid ah waxbarashadeeda, laakiin way safri doontaa dhamaadka bisha, waayo halkan ma sii joogi karto.

Reysulwasaaraha ayaa sheegay in xeerkaas uu arko inuu yahay mid qaldan, ayna tahay in dib loogu noqdo.

Xisbiga Venstre ee uu hoggaamiye u yahay R.W Løkke Rasmussen ayaa soo jeediyey in dadka ka yimaada dalalka qaarkood, sida USA loo fududeeyo inay dalkaas soo galaan. Shuruuda xeerka 24-ka sano loogu badalo shuruud kale, sida inay shaqeeyaan.

Xigasho/kilde: JP

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments