Dagbladet: Kiiska hooyo soomaali ah iyo hey´adda barnevernka oo maxkamada xuquuqul insaanka Yurub la geeyay.

0
153

Sida uu qoray wargeyska Dagbladet, ilaa 10 kiis oo dacwo ka dhan ah hey´adda barnevernka Norway ayaa sanadihii ugu danbeeyay la geeyay maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee kutaal magaalada Strasbourg ee dalka France.

10-kan kiis ee dacwada oo loo gudbiyay maxkamada xuquuqul insaanka ayaa ku saabsan kiisaska caruur ay horey xanaanadooda qoysaskii dhaley uga wareejisay hey´adda barnevernka. Waxaa dacwadahan horey loogu qaaday dhamaan maxkamadaha hoose, dhexe iyo sare ee dalkan Norway. Taas oo ugu danbeyn sababtay in la isla aado maxkamada Strasbourg.

Kiis hooyo soomaali ah:

Sida uu qoray wargeyska Dagbladet, 10-kan ee loo gudbiyay maxkamada EMD, waxaa kamid ah kiiska hooyo soomaali ah oo dalkan Norway timid sanadkii 2009. Sanadkii 2010 ayaa si qasab ah loogala wareegay xanaanada ilmo ay dhashay, waxaana sanadkii 2014 ilmahaas xanaanadiisa lagu wareegay qoys masiixi ah.

Hooyadan ayaa ka dacwootay go´aanka barnevernka, balse maxkamada sare ee Norway ayaa sanadkii 2015 kiiska u xukuntay barnevernka. Hooyadan soomaalida ah ayaa sanadkii 2016 kiiska dacwadeeda u gudbisay maxkamada xuquuqul insaanka Yurub, iyada oo dacwo ka ah in ilmaheeda lagu koriyo caqiidada masiixiga.

Kiiskan oo wali yaala maxkamada EMD, ayaan wali go´aan laga gaarin. Wuxuu kamid yahay 10-ka kiis ee hey´adda barnevernka Norway ka yaal maxkamadaas oo ah mida ugu sareyso wadamada Yurub ee dhanka xuquuql insaanka.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments