torsdag, mars 28, 2024

Cudurka «Raabiyada» oo 200 sano kadib markii ugu horeysay Norway lagu arkay.

Sida uu xaqiijiyay isbitaalka magaalada Førde, qof looga shakisanaa inuu qabo cudurka raabiyada ee ku dhaca xayawaanka, ayaa baaritaano kadib la xaqiijiyay in qofkaas uu qabo cudurkaas.

Qofkan ayaa la sheegay inuu ey qaniinay xili uu labo bilood kahor ku sugnaa wadan kuyaal ah Aasiya.

Waxeyna noqoneysaa markii ugu horeysay oo mudo ka badan 200 sano qof cudurkaas qabo lagu arko gudaha wadanka Norway. Sanadkii 1815 ayey aheyd markii ugu danbeysay oo qof cudurka raabiyada qabo lagu arkay Norway.

Cudurka raabiyada ayaa ah cudur dilaa ah oo saameyn ku yeesha qaab shaqeynta systemka maskaxda qofka, wuxuuna inta badan ku dhaca xayawaanka, gaar ahaan eeyaha. Wuxuuna mararka qaarkood u gudbaa bini-aadanka oo ay xayawaanku qaadsiiyaan, kaas oo inta badan sababa dhimasho.

Sanad walba waxaa cudurka u dhinta dad gaaraya 60.000 qof ayaa u dhinta cudurka, wuxuuna wali kusii danbeeyay wadamada Africa ee ka hooseeya saxaraha iyo wadamada Aasiyada koonfurta.

Laamaha caafimaadka ayaa sheegay inay la xiriireen, baaritaana ugu yeereen dad u safray isla dalka uu ninkan.

Sanad walba, waxaa caalamka

Xigasho/kilde: NRK.NO

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x