Cilmibaaris: 11% oo qura ayaa soomaalida Norway guryo ka leh.

0
141
Guri

Natiijada daraasad laga sameeyay soomaalida kunool dalkan Norway, ayaa lagu ogaaday in soomaalida leh milkiyada guryaha leh ay aad u yartahay, marka loo eego bulshada inteeda kale.

11% qura soomaalida lagu wareystay cilmibaaristan, ayaa sheegay inay leeyihiin guryaha ay deganyihiin. Tiradaas oo ah mid aad u yar, marka lala bardhigo qoomiyadaha kale ee soo galootiga ah, ama guud ahaan bulshada Norway kunool.

Ribada deynta guryaha:

Waxaa cilmibaaristan lagu wareystay 483 soomaali ah, kuwaas oo intooda badan degan magaalada Oslo.

Sababta ugu weyn ee soomaalida ka hortaagan iibsashada guryaha, ayaa daraasadan lagu sheegay inay tahay, ka cararka ribada(dulsaarka) la socoto deynta iibsiga guryaha.

87% dadka soomaalida wareysigan lala yeeshay ayaa sheegay inay aaminsanyihiin in qaadashada deynta dulsaarka leh, ay cawaaqib xumo u keeni doonto geerida kadib(Aakhiro).

48,2% ayaa sheegay inay ka cabsanayaan fal celinta ugu imaan karta bulshada kale, hadii ay qaataan deyn ay ribo(dulsaar) la socoto.

95% ayaa sheegay inay qaadan lahaayeen deyn ay guryo ku iibsadaan, hadii ay jiri laheyn deyn xalaal ah(aan dulsaar laheyn).

Dadka ugu badan ee daraasadan lagu wareystay ayaa sheegay in ugu yaraan 3 ilaa 10 mar ay guryo kiro ah ka guureen 10-kii sano ee ugu danbeeyay.

Arintan ayaa jawaab u noqon karto dadaalo ay wadeen xubno katirsan jaaliyada soomaalida Norway, kuwaas oo raadinayay in la helo xalka deyn aan dulsaar laheyn. Si qoysas badan ay ugu fududaato inay gataan guryo ay ku noolaadaan.

Xigasho/kilde: Klassekampen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments