CIA-da oo Norway ku wargalisay in amaanka ninkan oo Norway degan uu halis kujiro.

0
100
Iyad Baqdaadi

Hey´adda sirdoonka iyo ka hortaga danbiyada dalka Mareykanka ee CIA, ayaa dhawaan laamaha amaanka Norway la wadaagay macluumaad sheegaya in halis xaga amnigiisa shaqsiyeed ah ay soo wajihi karto Iyad El-Baghdadi.

Iyad El-Baghdadi oo ah qoraa u dhashay dalka Falastiin, ayaa saaxiib dhow la ahaa wariyihii ay sirdoonka Sucuudiga ku dhex dileen qunsuliyada Turkiga, ee Jamaal Kashoqi.

EL-Baghdadi ayaa magangalyo Norway ka helay sanadkii 2015, iyada oo horey ay isugu dayeen inay dilaan sirdoonka dowlada dhowr ah oo Khaliijka ah.

CIA-da ayaa sheegtay inay heleen macluumaad sheegaya inay halis ku jiri karaan amniga dadkii ka ag dhawaa, ama saaxiibka la ahaa wariye Jamaal Kashoqi. Waxeyna si gaar ah u magacaabeen sadex qof oo uu kamid yahay Iyad Baqdaadii oo Norway magangalyo ka helay.

Waxaana xog la helay ay CIA-du sheegtay in sirdoonka Sucuudiga ay wali ku raad-joogaan dadkii ka ag dhawaa Jamaal Kashoqi, kuwaas oo ay ka cabsi qabaan inay hayaan macluumaad banaanka keeni kara siro qarsoon oo la xiriira dilkii wariye Jamaal Kashoqi.

Sida uu qoray wargeyska New York Times, CIA-da ayaa warbixintan digniinta ah la wadaagtay dowladaha Norway iyo Canada, kuwaas oo ay kunool yihiin labo kamid ah sadexda qof ee liishka u saaran sirdoonka Sucuudiga.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments