Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Dhacdo naadir ah, oo taariikhi ah ayaa Sabtidii iyo Axaddii la soo dhaafay ka dhacday xarunta booliska ee Metro Transit, kadib markii ay shaqada isugu soo aadeen saraakiil boolis oo dhamaantood ka soo wada jeeda Soomaaliya.

«Waxaan qabannaa telefoonnada, waxaan ilaalinnaa dadka, taasina waxay ii tahay khibrad cajiib ah.» Ayuu yiri Cabdicasiis Maxamed oo ka mid ahaa askarta ka howlgaleysay xaruntaas.

Maxamed wuxuu ku biiray booliska sanadkii 2018-kii, wuxuuna gobolka Minnesota tagay isaga oo 8 sano jir ah.

Xarunta oo ay ka howl galaan askar ku dhaw 120 ayaa 7 ka mid ah ay yihiin Soomaali .

«Waxaan joognay xarunta, ma’ahan arrin la qorsheeyay, balse si wada jir ah ayaan isugu soo aadnay,» ayuu yiri.

Jaylani Hussein oo ka tirsan maamulka dhanka xiriirka Islaamka iyo Mareykanka ayaa sheegay, in gobolka ay ku suganyihiin shacab badan oo ah Soomaalida Mareykanka ku nool, uuna arrinkan askarta ka caawinayo ka hortaga caqabadaha ay wajahaan.

«Waxaa laga yaaba markay dadka shacabka ah la kumlaan inay dareemaan farxad, maxaa yeelay waxay la kulmayaan qof u eg iyaga oo luqadooda fahmaya,» ayuu yiri.

Maxamed ayaa sheegay in isaga iyo saraakisha kale ay halkan u joogaan sidii ay u ilaalin lahaayeen qof walba.

Arrinta ay samaynayaana, waxay noqonaysaa mid taariikhda gasha.

Xigasho/kilde:; BBC-SOMALI

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

  Subscribe  
Notify of