Xisbiga Ap oo soo jeediyay in lacagta guri-jooga laga jaro Xaafadaha qaar ee Oslo

0
78
Reymond Johnsen Gudoomiyaha degmada Oslo

Xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa soo jeediyay in lacagta la siiyo waalidka ilmaha ku heysta guryaha laga joojiyo xaafadaha qaar ee Oslo.

Gudoomiyaha maamulka degmada Oslo, Raymond Johansen oo katirsan xisbiga shaqaalaha ayaa sheegay in dowlada ay horey ugu jeediyeen in guud ahaan lacagtaas laga joojiyo Oslo, laakiin ay dowladu arintaas kasoo horjeedsaday.

Reymond ayaa sheegay in markan ay isku dayi doonaan in qaadashada lacagtaas ay ka jaraan xaafadaha qaar ee Oslo, gaar ahaan xaafadaha ay ku badanyihiin waalidka qaata lacagtaas.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qaadashada lacagtaas ay caqabad ku noqoto barashada luuqada ee caruurta yar-yar, sidoo kale ay haweenka ka hor istaagto ka qeybqaadashada suuqa shaqada.

Reymond ayaa sheegay in badalka lacagtaas uu soo jeedinayo in caruurta ay helaan waqti dheeri ah oo xarumaha xanaanada ku qaataan, sidoo kalena tababar shaqo loo furo waalidka caruurtaas dhalay.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments