Xiligan ayay soo bixi doontaa warqada jawaabta canshuur-celinta(skattemelding)

0
117

Dhamaadka bisha Maarso ama bilowga bisha April ee sanad walba, waxey waaxda canshuurta soo saartaa warqada canshuur celinta ee loo yaqaan skattemeldingen.

Waxuuna qofka canshuur bixiyeyaasha ah ogaan karaa tirada canshuurta uu bixiyay sanadkii hore, in isaga canshuur lagu leeyahay ama in canshuur dheeri ah oo uu bixiyay loo soo celin doono.

Sanadkan waxey warqada canshuur celinta soo bixi doontaa maalinta khamiista ah ee ku aadan 4-ta bishan April. Iyada oo ay jiraan dad badan oo aad u sugayo jawaabta canshuur celinta.

Tirokoob la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ilaa 250.000 qof ay aad cabsi uga qabaan in lagu yeesho lacag badan oo canshuur ah. Halka ilaa 400.000 qof oo canshuur bixiyeyaal ah ay Aad uga wel-welsanyihiin jawaabta warqada canshuur celinta.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments