TV2: NOAS oo lacag UDI-da kaga qaadatay in qoxootiga ay kula taliyaan inay noqdaan.

0
114

Ururka sheegta inuu ku hadlo magaca dadka magangalyo doonka ah ee Norway ku sugan ee NOAS, ayaa sida lagu soo bandhigay warbixin uu diyaariyay TV2, lacag kaga qaadatay UDI-da inay qoxootiga kula taliyaan inay dalkoodii ku noqdaan.

TV2 ayaa qoray in 150 qof oo qoxooti magangalyo doon ah oo NOAS usoo doontay talo bixin xaga sharciga ah, loo soo bandhigay inay dalkoodii ku noqdaan. Ayna NOAS UDI-da ka qaadatay lacag dhan 1,7 milyan si jaanixska dib u noqoshada dadkaas loogu soo bandhigo.

Amir Hossein oo ah 26 sano jir Iiraani magangalyo doon ahaa ayaa sheegay in labo mar uu booqday NOAS lagu wargaliyay in la caawin karin, jaaniska in kiiskiisa maxkamad la geeyana uu yaryahay. Sidaas darteed ay inta badan ka hadlayeen ururka IOM oo qaramada midoobay u qaabilsan dib u celinta qoxootiga.

Arintan ayaa shaki aad u weyn galisay doorka uurka NOAS ee qoxootiga, iyo shaqada rasmiga ah oo ay qabtaan. Maadaama ay sheegaan inay u doodaan qoxootiga magangalyo doonka ah, ayna talo bixin ka siiyaan Dhanka sharciyada iyo xuquuqdooda.

NOAS ayaa dhankooda ku dacwoonayo in dadka ay arintan usoo bandhigaan ay yihiin oo kali ah dadka aan jaanis ku laheyn inay Norway magangalyo ka helaan.

Halkan kasii akhri arintan: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments