mandag, mars 18, 2024

Solberg: Hala keeno caruurta ay dhaleen dagaalyanada Daacish.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa maanta sheegtay in dowladeedu ay fakareyso in Norway la keeno caruurta ay dhaleen dagaalyahanada ururka Daacish ee ka tagay Norway, ama heysta dhalashada Norway.

Arintan ayaa aheyd mid uu murankeedu taagnaa isbuucyadii ugu danbeeyay, waxaana muuqatay in xisbiyada siyaasada Norway ay aad ugu kala aragti duwanaayeen.

Kadib jabkii ururka Daacish, waxaa xeryaha qoxootiga Siiriya soo galay boqolaal haween oo markii hore ka tagay wadamada galbeedka, kuna biiray ururka Daacish. Waxeyna qaarkood heystaan caruur ay dhaleen intii ay ka tirsanaayeen ururkaas.

Dowladaha galbeedka Yurub ayaa u muuqdo inay isku raaceen in haweenkaas aan lagu soo celin Yurub, ama aan gacan laga siin sidii ay dalalkii ay markii hore ka tageen ugu soo noqon lahaayeen.

Taas badalkeed wuxuu muran ka taagnaa waxa laga yeeli doono caruurta ay dhaleen oo dhalashada Norway toos u qaadanayo, hadii waalidkood ahaayeen Norwiiji ama ay heysteen dhalashada Norway.

Dowlada Norway ayaa markii hore diiday in caruurtaas la keeno Norway, laakiin waxey hada u muuqataa inuu isbadal ku yimid fikirkaas.

Erna Solberg ayaa sheegtay in ahmiyada koowaad ay siin doonaan caruurta waalid la ´aanta ah.

Lama oga tirada caruurta ay dhaleen dadka ka tagay Norway ee ku biiray ururka Daacish. Waxeyna Solberg sheegtay inay ka shaqeyn doonaan helista xogta tirada caruurtaas, ayna keeni doonaan Norway.

Xigasho/kilde: NRK

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x