Hadii dakhliga sanadkii kusoo gala uu ka yaryahay 240.000, waxaad xaq u leedahay qareen lacag la aan ah.

0
128

Shirkada Qareenada: Hadii dakhliga shaqsi ahaan kusoo gala sanadkii uu ka yaryahay 240.000 nok(Bishii wax ka yar 20.000), waxaad xaq u leedahay inaad hesho qareen bilaash ah. Kiisaska hoos ku xusan oo dhan, waxaad xaq u leedahay in dowladu ay qareenka kaa bixiso.

Sidoo kale hadii adiga iyo xaaskaaga ay isku dar idin soo gasho lacag sanadkii ka yar    369.000 nok, waxaad sidoo kale xaq u leedihiin qareen ay dowladu lacagtiisa bixineyso.

Nala soo xiriir, si aan kaaga jawaabno su aalaha Dhanka shuruucda wadanka ah ee aad qabto.

  • Kiisaska hey\ adda hajnabiga, sida qoxootiga, magangalyada, degenaanshaha rasmiga, qoysaska la isku keenayo iyo digniinta tarxiilka.
  • Kiisaska la xiriira hey´adda xanaanada caruurta.
  • NAV iyo sharciyada la xiriira kaalmooyinka iyo kabitaanka dhaqaale, tusaale ahaan diidmada lacagta jirada, caddaynta shaqada, hawlgabka iwm.
  •   Furiinka / kala-tagista iyo qaybinta hantida dadka isqaba.
  • Kala qaybsiga masuuliyada waalidka ee xanaanada carruurta.
  •   Kireynta iyo saarista guryaha: Ka eryidda guriyeynta / aqalka (joojinta kireysiga).
  • Shaqo joojinta ama eryida: Sharciyada shaqada (shaqo ka eryiada) ama su aaloha kale ee la xiriira shaqada.
  • Dhaawacyada shaqada: Kiisaska la xiriira xaq u lahaanshaha qofka ee magdhowka dhaawacyada qofka kasoo gaara shaqada iwm.

Waxaan qofka siinaa saacad aan ku dhageysano kiiska qofka, si aan u qiimeyno nooca kiiskiisa iyo waxa loo qaban karo.

Nagala soo xiriir: Kontakt oss på 45970350 ama post@scolaw.no, si aad u hesho caawinta sharciyeed ee ku saabsan kiisaska kor ku xusan. Ama si aad u hesho jawaabta su´aasha maskaxdaada kujirto.

Waxaa noo shaqeeyo shaqaale ku hadlo af soomaali iyo carabi.

Waxaan xafiis ku leenahay magaalooyinka Oslo, Bergen,Stavanger, Sarsborg iyo Drammen.  Xafiiskeena guud waxa uu kuyaalaa, Dronningens gate 8 A, 0152 Oslo. 

Booqo webkeena: Scolaw.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments