Norway: Waaxda canshuuraha oo ka digeyso fariimo been abuur ah oo la xiriira warqada canshuur celinta.

0
86

Waaxda canshuuraha dalkan Norway ayaa dadweynaha uga digeyso fariimo ay dirayaan kooxo burcad ah, kuwaas oo la xiriira jawaabta warqada canshuur celinta oo la sugayo khamiista oo ku beegan 4-ka bishan April.

Svein Mobakken oo ah madaxa dhanka amaanka shaqada ee waaxda canshuuraha ayaa dadweynaha uga digayo fariimo e-mailo iyo fariimo mobilka dadka loogu diro, kuwaas oo si been abuur ah loogu wargaliyo inay heleen jawaabtii canshuur celinta, ayna usoo noqotay lacag canshuur ah.

Waraaqaha ama fariimahan ayaa loo ekeysiiyaa kuwa laga soo diray Xafiiska canshuuraha ama waaxda lacag uruurinta ee Kemnerkontorka, waxaana qofka loogu sameeyaa balan quad ah in loo soo celin doono canshuur usoo noqotay.

Waaxda canshuuraha ayaa dadka uga digeyso inay furaan linkiyada la socdo fariimahaas ama ay ka jawaabaan.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no



Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments