Norway: UDI-da oo maxkamad lala tiigsan karo, hadii aysan 9 maalin jawaab ku celin.

0
73

Hey´adda isku socodka ganacsiga xorta ah ee ka dhaxeeyo wadamada Yurub(EFTA), ayaa sheegay in hey´adda agaasinka soo galootiga Norway ay kiis dacwad ah ka gudbin donaan, hadii aan jawaab laga soo siin cabashada ay qabaan.

Hey´addan ayaa UDI-da ku eedeyneyso inay jabisay xeerka ka shaqeynta ogolaanshaha codsiga dal ku jooga(oppholdtillatelse) Norway. Waxeyna sheegeen in UDI-du ay la daahdo mudada jawaab celinta ogolaanshaha dal ku jooga Norway.

Xeerka wadamada Yurub ayaa dhigayo in dadka wadamada Yurub ee codsado ogolaanshaha dal ku joogo dal kale oo Yurub ah, looga jawaabo codsigaada ugu badnaan mudo 6 bilood ah. Norway ayaa kamid ah wadamada saxiixay heshiiska isku socodka ganacsiga xorta ah ee hey´addan.

EFTA ayaa sheegay in hey´adda UDI-da Norway ay si isdabo joog ah ay u jabisay sharciga hey´addaas, ayna qiimeynayaan inay UDI-da maxkamad la tagaan, hadii sagaal maalin gudahood aan loogu soo jawaabin.

Hey´adda EFTA ayaa sheegtay inay dhowr mar oo hore arintan kala hadleen madaxda Norway, walina aysan helin jawaab ay ku qanceen.l Sidaas darteed ay markan qiimeynayaan inay wado sharci ah ay maraan.

UDI-da Ayaan ilaa hada jawaab ka bixin arintan lagu soo eedeeyay.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments