Norway: Dowlada oo rabta inay tijaabiso hab cusub oo ajaaniibta u fududeyn karo shaqo helista.

0
165
Wasiirada deegaanka.

Soo galootiga aqoonta sare leh ee shaqooyinka banaan codsada ayaa marar badan cabasho ka gudbiyay inaan loogu yeerin wareysiyada shaqada, sababa la xiriira magacooda.

Waxaana marar badan la tijbaabiyay, lana cadeeyay in qofka wata magaca soo galootiga uu jaaniskiisa helista shaqada ka yartahay, qofka wata magac norwiiji ah. Taas oo marar badan ajaaniibta ku qasabta inay magaca badashaan marka ay Shaqo codsanayaan.

Dowlada Norway ayaa soo jeedisay in tijaabo ahaan loo bilaabo in codsiyada shaqada laga reebo magacyada, si qofka loogu qiimeeyo aqoontiisa iyo kartidiisa, kahor inta aan la arkin magaciisa.

Sida ay sheegtay wasiirada deegaanka, Monica Mælend, Tijaabadan ayaa lagu bilaabi doonaa shaqooyinka hey´addaha dowlada, waxeyna dowladu sheegtay in la rabo in la ogaado saameynta arinta, kahor inta aan si guud mar kale loo qiimeyn.

Hey´addaha dowlada ayaa sanadkii shaqo siiso ilaa 20.000 qof.

XIgasho*/kilde:NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments