Namdal: Maxkamad fasaxday haweenay soomaali ah oo wax is dabo marin dhaqaale lagu eedeeyay.

0
122

Haweenay soomaali ah oo kontomeeyo(50) jir ah ayaa bilowga sanadkan lasoo taagay maxkamada Namdal, iyada oo lagu eedeeyay wax isdabo marin dhaqaale ay ka qaadan jirtay hey´adda Nav.

NAV ayaa haweeneydan soomaalida ah ku eedeysay inaysan soo diiwaan galin saacado ay shaqeyn jirtay, ayna nav ka ka qaadatay lacag dhan ku dhow 300.000 kr, oo aysan xaq u laheyn.

Sida uu qoray wargeyska Lokalka ah ee Trønder Avisa, haweeneydan ayaa midkiiba saacado ka shaqeyn jirtay labo shaqo oo kala duwan. Waxaana ka dhamaatay mid kamid ah labada shaqo, iyada oo lacagta dadka ay shaqadu ka dhamaatay ka codsatay Nav.

Nav ayaa haweeneydan soomaalida ah u ogolaatay qaadashada lacagta dadka ay shaqadu ka dhamaatay, waxaase lagu wargaliyay inay labadii isbuucba soo gudbiso saacadaha ay ka shaqeyso shaqada kale, si loogu qiimeeyo lacagta ay xaqa u yeelaneyso.

Baaritaan ay Nav sameysay sanadkii 2016 ayaa lagu sheegay in haweeneydan soomaalida ah aysan soo gudbin saacado ay shaqeysay, sidaas darteed ay qaadatay lacago dheeri ah. Waxaana lagu furay kiis dacwadeed oo maxkamada ah.

Maxkamada oo danbi ku weyday:

Haweeneydan soomaalida ah ayaa maxkamada ka hor sheegtay in iyadu aysan fahansaneyn buuxinta warqada codsiga ee isbuuclaha ah, ayna u buuxin jirtay gabar ay dhashay. Waxaana maxkamadu qirtay in haweeneydan soomaalida ah ay waxbo qorin, akhriyina.

Maxkamada ayaa go´aankeeda ku sheegtya in haweeneydan soomaalida ah ay aheyd in ka fakarto, waqtina galiso fahanka sharciyada ka dhalanaya qaadashada lacagtaas, balse waxey ka fasaxday danbiga lagu soo eedeeyay oo ahaa wax is dabo marin dhaqaale.

Sida uu qoray wargeyska Trønder-avisa, Haweeneydan ayaa qiratay inay qaadatay lacag ka badan tii ay xaqa u lahey, waxeyna ogolaatay inay lacagtaas oo dhan 309.080 kr, dib usoo celiso.

Xigasho/kilde: Trønderavisa

.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments