Maqaal: Xiriirka Dugsigga, gurigga iyo Ubadka.

0
296

Qoraha maqaalkan: Abdirahman Ali Ibrahim)Bare, Dugsigga Sare Fredrik II, Fredrikstad, Norway)

Waxa ugu weyn ee isku haya dadka,sida xabagtu ay wax isugu hayso waa xiriirka ka dhaxeeya dadka. (Badiyaa) Labada qof ee is qaba xiriir dhex maray ayaa sabab u ahaa in xiriirkaas ka dib guur yimaado, ka dibna ay caruur uu Allah labadooda ka beero. Haddaba, xiriirkaas ka dhaxeeya labada waalid ,waxaa uu u sii gudbaa mid ka dhaxeeya qoyska gurigga wada deggan oo ay ka mid yihiin carruurta ku soo biirtay reerka. 

Caruurtu, waxa ay aadaan dugsiyada waxaa gacanta ku haaya macallin/miin iyo maamuleyaal. Xiriirka qoyska ka dhaxeeyey mid la mid ah ayaa loo baahanyahay inuu u dhexeeyo dugsiga/macalinka iyo waalidka.

 Qoraalkan waxa uu wax ka iftiimin doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya qoyska dhexdiisa iyo kan ka dhexeeya iskuulka iyo waalidka. Sidoo kale waxa uu iftiimin doonaa xiriirka qoyska kala taga.

Xiriirka Dugsigga iyo Waalidka

Mas’uuliyadda koowaad ee ubadku waxa ay saaran tahay waalidka.Taas oo noqon karta mid barbaarineed iyo mid waxbarasho. Iskuulku waxa uu ka caawiyaa ubadka si ay u gaaraan himmilada uu waalidku ama bulshadu ka leedahay ubadka, saa darteed waa in ay xiriir iyo wadashaqeyni ka dhexaysaa iskuulka iyo waalidka. Danta laga yeelahay xiriirka dugsiga iyo waalidka waa in ubadka horumar ka gaaraan waxbarashadooda. Marka la fiiriyo qawaaniinta khuseysa caruurta iyo waxbarashada ee waddanka la deggan yahay, waxaa kala duwan kaalimaha  iskuulka iyo waalidka kaga aadan waxbarashada ubadka .

Kaalinta waalidka

Sida kor ku xusan, mas’uuliyadda koowaad ee ubadku waxa ay saaran tahay waalidka. Haddaba, waa muhiim in waalidku qeyb wayn ka qaato xiriirka ka dhex mari kara iskuulka iyo guriga. Waalidku, waa in uu ku xirnaado iskuulka, lana socdaa ubadkiisa, gaar ahaan iyo guud ahaan waxa ka socda iskuulka. Waxaa jira farriimo ka yimaada iskuulka ama fasalka uu dhigto ubadkaagu. Farriimahaas, qaar waxa ay noqon karaan mid ogeysiin kaliya ah, qaarna waxa ay noqon karaan mid waalidka laga doonayo inuu ka soo jawaabo ama soo saxiixo. Tusaale ahaan, waddamada qaarkood xilliga fasaxa diinta Masiixiga, waxaa la soo diraa warqad waalidka laga doonayo inuu soo kala doorto in ilmihiisu ay kaniisadda la geyn karo ama in iskuulka ay joogayaan si wax kale loo baro. Haddaba waa muhiim inaad ka jawaabtid warqaddaas iyo kuwa kale ee ka yimaada iskuulka.

Si waalidku uu xiriirka kala dhexeeya dugsiga u horamariyo, waa muhiim inuu illaa  xad yaqaano luuqadda lagu wada xiriirayo. Waa muhiim in waalidku waqti galiyo sidii uu u baran lahaa luqadda lagama maarmaanka u ah xiriirka ka dhaxeeya waalidka iyo iskuulka. Haddii waalidku ku fiican yahay luqadda lagu xiriirayo, taasi waxa ay fududaysaa inuu xiriirku fiicnaado, sidoo kale waxa ay ka hortagaysaa in ay timaado is faham darro dhex marta iskuulka iyo guriga.

Waa lagama maarmaan inaad la socotid waxbarashada ubadkaaga. Waalidka waa in uu waxbarashada ku dhiiri geliyo ubadkiisa, sidoo kalena ka caawiyo waxbarashada. Waalidku waa inuu tagaa shirarka iyo ballammada uu iskuulka soo diro, taas oo looga hadlo waxbarashada ilmaha. Si gaar ahaaneed waa muhiim in labada waalidba ka qeyb qaataan shirarkaas ama ballamahaas, oo aan culeyska kaliya la saarin hooyooyinka. Waa muhiim in aabbuhu dowrkiisa waalidnimo ka qaato waxbarashada ilmihiisa, kana caawiyo hooyada dhammaan arrimaha la xiriira barbaarinta ubadka.

Si loo gaaro rajada laga qabo in ubadku heer sare ka gaaro waxbarashadiisa, waxaa aad u muhiim ah «in waalidku mas’uuliyada waxbarshada ubadka la wadaago iskuulka». Waxyaabaha laga doonayo inuu waalidku qabto waxaa ka mid ah in waalidku ka caawiyo carruurta shaqo guriga loo soo dhiibo. Sameynta/Xallinta shaqo guriga(leylisyada guriga) waa u muhiim ardayga. Waa in loo xaddidaa waqti iyo goob ku habboon xiligga la qabanayo howshaas. Ilmaha fasallada hoose dhigta iskuma filna marka la qabanayo howshaas, saas darteed waa in waalidku si joogta ah carruurta uga caawiyaa howshaas.

Kaalinta Iskuulka/Macalinka

Iskuulka ayaa mas’uul ka ah inuu fududeeyo wada shaqeynta iyo xiriirka dhexmaraya  iskuulka iyo Waalidka. Wadashaqeynta Waalidkaa la’aantiis macallinku ma gaari karo hadafka waxbarasho ee laga doonayo inuu gaaro ubadku. 

Waxaa jira waxyaalo badan oo macallinku kaliya uusan qaban karin oo ay muhiim tahay in waalidka kaalin ku yeesho. Taasi waxay keenaysaa in macalinku waalidka howl geliyo si howshaas loo fuliyo. Tusaale ahaan «hadii loo baahan yahay in howl iskaa wax u qabso ah la doonayo in iskuulka laga fuliyo ama howl gaar ah oo waxbarashada ka baxsan la doonayo in fasalka loo qabto, waa in macalinku kala xiriiraa waalidka ama gudigga waalidka ee fasalka».

Xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya iskuulka iyo waalidka, hadafka laga leeyahay waa in ardayga heer sare ka gaaro waxbarashadiisa. Sidoo kale xiriirku, waxa uu xoojinayaa jaceylka uu ardaygu u qabo iskuulka. Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya waalidka iyo iskuulka waxa ay keentaa in waalidku iskuulka uu amaano ama wax fiican ka sheego. Taasi waxa ay ardayda ku dhiirri gelinaysaa inuu jeclaado iskuulka iyo waxbarashada.

Xiriirka Qoyska

Qoyska halkan looga hadlayo waa qoys ku wada nool oo ka koobnaan kara hooyo, aabo iyo ubad. Xiriirka qoysku waxa uu ka dhaxeyn karaa dhammaan xubnaha qoyska sida labada waalid, waalidka iyo ubadka iyo ubadka dhexdooda.

Xiriirka dhammaan xubnaha qoyska waxaa xoojin kara qodobadan hoos ku qoran:

Xiriir diirran iyo isdaryeel: Xubnaha qoysku, waa in uu ka dhaxeeyaa xiriir diirran. Xiriirka diirrani, waa mid ay ku lifaaqan tahay kalgaceyl ama jaceyl dhexmaraya labada lammaane dhexdooda iyo jaceyl ay u qabaan ubadkooda. Jaceylka ayaa sabab u noqdo guusha qofku gaaro. Diraasad lagu magacaabo Harvard Grant oo soo bilaabatay 1938 oo aan wali la soo gabogabayn waxaa lagu ogaaday in qadarka jacaylka oo qofku helay caruurnimadiisa iyo inta uu sameystay/kasbaday waynaantiisa ayaa sabab u ah guusha qofku gaaro. 

Xiriirka diirrani waxaa ka dhalanaya in la is daryeelo. Ubadku, waxa ay u baahan yihiin daryeel iyo in la dhowro, lana kobciyo horumarka jirkooda iyo maskaxdooda. Sidoo kale labada waalid, waa in ay ka dhowraan ubadkooda waxkasta oo dhaawacaya jirkooda iyo maskaxdooda. Qeylada, cayda iyo aflagaadaynta waxa ay dhaawacaysaa maskaxda ubadka iyo xiriirka waalidka iyo ubadka.

Is aaminaad: Xubnaha qoyska gaar ahaan labada waalid waxa xiriirkooda xoojin kara is aaminaad ka dhaxeysa labadooda. Aaminaadda, waxaa ka soo horjeeda khiyaanada. Labada waalid waa in ay kalsooni isku qabaan oo aysan is khiyaanin. Wadajirka iyo wada noolaashaha labada lammaane ayay is aaminnidu xoojinaysaa.

Isu naxariisasho:Dhammaan xubnaha qoysku, yar iyo weyn, gaar ahaan labada isqaba, waa in ay isku naxariistaan. Sida Allah uu yiri  Suurttul Ruum, isagga oo ka hadlaya lammaanayaasha‘’ ….(Waxaan dhexdiidna dhignay kalgaceyl iyo naxariis…). Naxariista labada isqaba ka dhexaysa waxa ay tusaale ay ku daydaan u sii  noqon kartaa ubadka.

Is aqbalid: Dadka Allah abuuray isku si uma abuurna oo waa ay kala duwan yihiin. Qofkasta waxa uu leeyahay abuurid u gaar ah ha noqoto xagga dabeecadda, maskaxda iyo fikirka. Haddaba waa muhiim in labada isqaba uu midba midka kale ku tixgeliyo waxa uu gaar la yahay uuna aqbalaa. Waa in la isla fahmaa in la kala duwan yahay, ka dibna la isku tixgeliyaa oo qofna qofka kale uusan ku qasbin waxa ay isaga/iyada la tahay. Sidoo kale waa in ubadka loo fahmaa in ay ku kala duwan yihiin arrimaha kor lagu soo sheegay. Taasina ay keeni karto in lagu kala duwanaado xagga waxbarashada.

Wadatashi iyo isku xirnaan: Qoysku waa in si wadajir ah uga tashtaan arrimahooda. Talada ama go’aammada la qaadanayo waa in illaa xad wax ku yeeshaan ubadka. Tusaale ahaan, hadii meel fasax loo aadayo waa in taladooda iyo waxa ay la tahay la dhegaystaa. Taasi waxa ay kobcinaysaa fikirka ubadka iyo xiriirka qoyska.

Xiriirka qoyska kala taga

Waa ay dhici kartaa in uu kala tag/furriin ku yimaado lammaano isqabay. Waa arrin culus in qoys dhisnaa uu kala tago. Kalataggu, waxa uu saameyn ku yeelanayaa labada waalid iyo ubadkaba. Culeyska ugu wayn waxa uu ku dhacaa ubadka. Taas oo uur ku taalo ku noqonaysa noloshooda oo dhan. Haddaba, si loo yareeyo dhibka maskaxeed ee soo gaari kara ubadka kalatagga ka dib, waxaa la gudboon labada waalid ee go’aansaday inay kala tagaan, in ay tixgeliyaan ubadka oo ay ka ilaaliyaan wax kasta oo dhaawici kara xiriirka ay leeyihiin labada waalid. Si taas loo gaaro waa in haddii wada noolaanshihii uu dhammaaday, waa in labada waalid si fiican oo aysan cadaawadi ku jirin ku kala tagaan.

Labada waalid waa in ay u xaqiijiyaan ubadka in wax isbedel ah uusan ku dhici doonin caawinaaddii ay ka heli jireen labada waalid. Sidoo kale waa in labada waalid aysan carruurta ku abuurin nacayb ay u qaadaan waalidka kale.

Sida caadiga ka ah waddamada reer galbeedka, labada waalid ee kala taga waxaa loo qeybiyaa xilligga uu waalid kasta ubadku ay la joogayaan. Haddii ay sidaasi dhacdo waa muhiim in sida kor lagu soo xusay in waalidku iska ilaaliyo in wax xun uga sheego ubadka xaga waalidka kale. 

Hadii ay dhacdo in ubadka barbaarintiisa iyo daryeelkiisa lagu wareejiyo hal waalid, waa muhiim in waalidka caruurta lagu wareejiyey ixtiraamo baahida caruurtu ay u qabaan in ay laxiriiraan waalidkooda kale. Sidoo kale waa in loo ogolaadaa in ay soo booqdaan waalidkooda kale.

Gunaanad

Si loo xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya gurigga iyo iskuulka, waa in mid kasta uu ciyaaraa dowrkiisa. Waalidkuna waa in ay ogaadaan in mas’uuliyadda ugu weyn ee xagga barbaaarinta, korinta iyo waxbarashadda carruurta ay iyaga dusha ka saaran tahay. Haddii ay labada waalid kala tagaan waa in ay xoojiyaan xiriirkooda si ubadku ay u helaan barbaarinta iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

Abdirahman Ali Ibrahim

Bare, Dugsigga Sare Fredrik II, Fredrikstad, Norway

Tixraac

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments