Live maka soo gali kartaan kulanka UDI-da iyo soomaalida?

0
112

Laanta socdaalka dowlada Norway ee UDI-da ayaa kulan ay ku sheegeen warbixin kala qaadasho u qaban doono soomaalida Norway. Waana kulankii sadexaad oo ay soomaalida u qabtaan, iyaga oo labo kulan oo noocan oo kale ah u qabtay soomaalida.

Dad badan ayaa maalmihii ugu danbeeyay nasoo weydiiyay su´aalo ku saabsan inaan muuqaal toos ah kasoo tabin karno kulankaas, maadaama ay jiraan dad badan oo xiiseynaya ogaanshaha macluumaadka halkaas ay ka sheegi doonaan. Balse aan awoodin inay imaadaan.

Waxaan la xiriirnay Knut Holm oo katirsan UDI-da, kana tirsan dadka masuulka ka ahaa labadii kulan ee hore oo ay soomaalida u qabteen. Wuxuuna noo sheegay inaan muuqaal toos ah, video iyo sawirba laga qaadi karin kulanka.

Knut ayaa noo sheegay inay rabaan inay ka hadlaan qodobo ku saabsan soomaalida oo su´aalo badan qadka telefoonka looga soo weydiiyo, ayna ka hadlaan isbadalada dhanka xeerarka ah ee khuseeyo soomaalida. Wuxuuna raaciyay inay jawaabi doonaan su ´aalaha la weydiiyo.

Soomaali badan oo nala soo xiriirtay ayaa iyagana caro ka muujinaya in UDI-du ay soomaalida ku uruursato shir, si ay ugu sheegto waxa ay iyagu rabaan. Balse aysan rabin inay ka jawaabaan su´aalaha waaweyn ee taabanaya dareenka iyo nolosha boqolaalka qof ee soomaalida ah ee kiisaskooda gacanta ku hayaan.

Soomaalida ayaa caado ahaan kulamada noocan ah tago iyaga oo kala daadsan, qof kastana uu wato su´aal u gaar ah. Wuxuuna waqtiga badankiisu ku lumaa ka jawaabista su´aalaha shaqsiga ah, iyada oo la ilaawo su´aalaha waaweyn ee muhiimka ah, taabanaya bulshada guud.

Waxaa mudan in soomaalidu si bulsho ahaan ah isku abaabusho, ayna dadka ka socdo laanta socdaalka weydiiyaan su´aalihii saxda ah ee loo baahnaa, inta ay ku war-wareegi lahaayeen su´aalaha shaqsiyeed ee gaarka ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments