Faah-faahin laga helay is afgarad dhexmaray MD Farmaajo iyo RW Denmark.

0
233

Dowladda Denmark ayaa mar kale ku dhaawaaqday inay xoog u adeegsan doonto sidii loo soo masaafurin lahaa qaxootiga Soomaalida ah ee diidmada ka helay codsiyada ogolaanshaha magangalyo.

Arintan ayaa sii xoogeysatay kadib markii reysulwasaaraha Denmark, Lars Løkke Rasmussen uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay raali ka tahay in qoxootiga soomaalida ah dib loogu celiyo dalkooda hooyo.

Lars Løkke ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay inuu jeclaan lahaa in Soomaalida ay dalkooda kusoo laabtaan, si ay uga qeybqaataan dib u dhiska dalka.

Ra’iisul wasaare Lars Løkke Rasmussen ayaa wareysi kale oo shaley ku bixiyay ku ammaanay xaaladda amaan ee Soomaaliya, kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo isku arkeen shirkii Carabta iyo Midowga Yurub ee bil kahor lagu qabtay magaalladda Sharma-sehekh ee dalka Masar.

Løkke ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee kulanka dhexmaray isaga iyo Farmaajo uu ahaa dib u celinta qoxootiga Soomaalida ee diidmada ka helay codsiyada magangalyada. Wuxuuna raaciyay in Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay inay faa’ido fiican noqon lahayd, isla markaana uu taageerayo inay dadka Soomaalida dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, si ay uga qeyb galaan dib-u-dhiska dalkooda hooyo.

Reysulwasaaraha Denmark ayaa markan si qeexan u sheegay in oo uu Soomaaliya ay la leeyihiin iskaashi wanaagsan oo ku saabsan dib u celinta qoxootiga diidmada ka helay magangalyada. Wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Dowladiisa khasab ku celin doonto Soomaalida aan sharciga lahayn, haddii laga maarmi waayo arrintaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Løkke oo dhawaan wajahayo doorashada baarlamaanka dalkaas ayaa qarka u saaran in xisbigiisu ay lumiyaan hogaanka dalka Denmark.

Xigasho/kilde: Information.dk


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments