Dowlada kale oo Yurub ah oo aqoonsaday nooc kamid ah baasaboorka soomaaliga ah

0
98

Dowladda Belgium ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ay u aqoonsatay Baasaboorka Shaqaalaha iyo midka Diblomaasiga ee Soomaaliya ee loo yaqaano (Service and Diplomatic).

Arrintan ayaa waxaa maanta shaacisay Safaarada dowladda Belgium ay ku leedahay magaalada Nairobi, iyadoo sheegtay iney ku faraxsantahay tallaabada ay ku aqoonsatay baasaboorka.

“Safaarada waxa ay ku farasantahay iney shaaciso in wixi maanta ka dambeeya ay dowladda Belgium aqoonsnatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiyiinta ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo dabaacay Twitter-ka Safaarada dowladda Belgium ee magaalada Nairobi.

Qoraalka ayaa waxaa safaaradda soo gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Belgium oo qaabilsan aqoonsi siinta baasaboorada, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso mid fududeysa socdaalka Soomaalida ay ku tagaan dalka Belgium ee dhaca Galbeedka Qaarada Yurub.

Tallaabadan cusub ayaa ka dhigan in Haddii dowlada Belgium  ay dal ku gal bixinayaan hada kadib ay ku dhejinayaan Baasaboorka, halka markii hore warqad gooni ah lagu soo saari jiray dal ku galka.

Wadamada Norway, Sweden, Finland, Switzerland iyo Denmark ayaa sidoo kale horey u aqoonsaday baasaboorka soomaaliga ah, noociisa diblomaasiga ah.

Xigasho/kilde: Jowhar.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments