Dad badan oo cabasho iyo fal celin ka gudbiyay xayeysiintan cusub ee shirkada Telia.

0
113

Shirkada telefonade Telia, qeybteeda Norway ayaa dhamaadka isbuucii hore baraha bulshada sida Youtube iyo Facebook soo galisay xayeysiin cusub oo shirkadaas ay leedahay.

Xayeysiintaas oo soconeyso hal daqiiqo ayaa waxaa lagu soo bandhigay muuqaal dad kala duwan, iyada oo lagu lamaaniyay hees uu qaado fanaanka Pharrell Williams oo magaceeda yahay Freedom ama xoriyad.

Muuqaal kamid ah xayeysiinta ayaa lagu soo bandhigay gabar yar oo diideyso inay xijaab xirato, iyada oo qeybta danbe ee xayeysiinta sidoo kale lagu soo bandhigay gabar xijaab iska tuureyso. Isla markaana gabar kale oo xijaab xiraneyso.

Gabadha xijaabka tuureyso iyo heesta xayeysiinta la socoto ee xoriyada ka hadleyso ayaa dad badan oo xayeysiinta fikirkooda ka dhiibtay ay ka bixiyeen fasiraad ah in dumarka muslimiintu aysan xor aheyn, hadii aysan xijaabka dhigin. Waxaana ka dhalatay fal celin xoogan oo sababay in Telia loo soo diro cabashooyin Aad u badan oo xayeysiintaas ku saabsan.

Telia oo ka jawaabeyso arintaas ayaa sheegtay in muuqaalkaas uu leeyahay labo micno oo qofka iyo xijaabka xoriyadiisa ka hadleyso. In qofku uu xor u yahay inuu xijaabka xirto iyo in qofka uu sidoo kale xor u yahay in xijaabka iska dhigo.

Muslimiinta fikirkooda ka dhiibtay ayaa ku kala aragti duwan fasiradaada laga bixiyay xayeysiinta Telia. Iyada oo qaarkood ay Telia ku raacsanyihiin in micnaha xoriyada xirashada xijaabka ay yeelan karto wajiyo kala duwan.

Booliska Norway ayaa sidoo kale sheegay inay heleen wargalin ku saabsan hanjabaad loo diray shirked Telia, kuna lug leh xayeysiintaas.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments