torsdag, april 18, 2024

Daawo: Fawzi Warsame oo maanta khudbad ka jeedinayo shirweynaha golaha dhexe xisbiga Ap.

Labadii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa magaalada Oslo ka socday shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga Ap, kaas oo ah mid ay Isuzu yimaadaan boqolaal wufuud ah oo ka kala socdo qeybaha xisbigaas ee Norway oo dhan.

Shirweynaha golaha dhexe ayaa ah midka lagu go´aamiyo, laguna meelmariyo siyaasada sanadlaha ah ee xisbiga. Waxaana lagu jaangooyaa ajendaha siyaasadeed ee xisbigaas iyo isbadalada ku dhaca.

Mid kamid wufuuda sandman shirka ka hadashay waxaa kamid ah, Fawzi Cabdirashiid Warsame oo ah siyaasi dhalinyaro soomaali ah oo katirsan xisbigaas. Fawzi ayaa ku hadlayay magaca AUF oo sanadkan u wakiilatay inuu magacooda shirka uga hadlo.

Fawzi oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF, ayaa sanadkan ah musharax u taagan kamid noqoshada golaha deegaanka ee Oslo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x