70-sano jir soomaali ah oo maxkamad loo soo taagay dilka wiil ay ayeeyo u tahay.

0
183
Foto: LA-BD
Xigasho/kilde: Hoos ka akhri warkan oo luuqad kale ku qoran.

Foos Cabdi Xaashi oo 70-jir ah ayaa waxaa Jimcihii la soo dhaafay la soo taagay Maxkamad ku taala magaalladda San Jose ee Gobalka California ee dalka Maraykanka. Iyadaoo lagu soo eedeeyey dilka wiil 3 jir oo ay Ayeeyo u ahayd, waa sida ay boolisku hadal u dhigeene.

Boolisku wali faah-faahin kama bixin qaabka ay dhacdadan u dhacday iyo in dilka haweeneydan soomaalida ah lagu soo eedeeyay uu ahaa mid ulakac ah iyo inkale. Gabar la dhalatay wiilka geeriyooday ayaa sida ay boolisku sheegeen soo warisay inay daawanaysay markii ay Ayeeyada  xabsiga la dhigay ay dhulka ku tuureysay wiilka yar ee hada geeriyooday.

Boliska Degmadda  Milpitas  ee isla Gobalka California ayaa warbaahinta u sheegay in falkaas uu dhacay maalintii Isniinta ee isbuucii hore. Waxeyna sheegeen inay gaareen goobta uu falkaas ka dhacay, kadib markii xiriir lala soo sameeyay. Iyaga oo raaciyay in ilmaha yar ee saacad kadib ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Degmadda Milipitas oo ku taala Koonfurta magaaladda San Faransiisko.

Ayeeyada ayaa dhankeeda Booliska u sheegtay inwiilka yar uu hunqaacayey, kadibna uu geeriyooday, markii ay seexisay sariirta si uu nasto.

Shabakadda Wararka ee AB7 News ayaa qortay in Foos Cabi Xaashi lagu soo oogay dilka ilmahaasi oo ah heerka 1-aad ee fal-dembiyeedka dilka.

Dacwad-ooge Luis Ramos ayaa warbaahinta u sheegay inay hayaan waxyaabo dhowr ah oo muujinaya in ayeeyada xabsiga la dhigay ay ka danbeysay dilka wiilka yar oo magaciisa ay boolisku ku sheegeen Ayuub.

Sida ay qoreen idaacadaha lokalka ah, Foos Cabdi Xaashi oo uu Turjumaan u fasirayey dacwadaha lagu soo oogay, ayaa ka gaabsatay inay qirato eedeymaha loo haysto.

Garsooraha maxkamada ayaa dhankiisa uu dib u dhigay dhegeysiga dacwadan culus ee loo heysto ayeeyadan soomaalida. Waxaana dhageysiga dacwadan mar kale dib loo furi doonaa 8-da bisha may ee soo socoto.

Ayeeyadan soomaalida ah ayaa hadii lagu helo danbiga maxkamada loo soo taagay muteysan karta ciqaab xabsiyeed dhan ilaa 25 sano.

Xigasho/kilde: LA-TIMES, Pressfrominfo.com

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments