Xildhibaan USA: Waxaa i kufsaday sarkaal katirsan ciidamada

0
150

Xildhibaan ka tirsan aqalka Senat-ka ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay «in uu kufsaday sarkaal ka sarreeyay» markii ay ka tirsanayd ciidammada cirka.

Martha McSally oo ahayd gabadhii u horraysay ee duulisa diyaarad ay ciidammada Maraykanku leeyihiin oo dagaal ku jirta ayaa hadalkan ka sheegtay iyadoo la dhagaysanayo xog ku saabsan tacaddiyada galmada ee milatariga dhexdiisa ka dhaca.

Gabadhan oo laga soo doorto Arizona kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegtay in aysan arrintan shaacinin iyadoo dareemaysa wajigabax isla markaasna aan ku kalsoonayn hannaankii lagula tacaalayay arrintaas.

Dacwooyinka tacaddiyada galmada la xiriira ee milatariga Maraykan ayaa sare u kacay 10% sannadkii 2017kii.

Xildhibaan McSally aayaa guddi hoosaadka aqalka Senat-ka ee ciidammada qalabka sida u sheegtay Arbacadii in ay sannado badan ka aamusnayd arrintan.

«Balse markii muddo laga soo wareegay ee fadeexooyin badan ay ka dhaceen milatariga, jawaab fiicanna aan laga bixin ayaan istusay in aan u baahanahay in aan dadka qaar la wadaago wixii i qabsaday. Waayo anigaba dhibbaneyaasha ayaan ka mid ahaa.

«Murugo ayaan kala kulmay sida loo maareeyay macluumaadkii aan gudbiyay».

«Waxaan qarka u fuulay in aan isaga tago Ciidammadii Cirka ee aan 18 sano ka soo shaqeeyay. Sida dhibaneyaal kaleba ku dhacday. Waxaan dareemay in nidaamka meesha ka jira uu markaste i kufsanayay.» ayay tiri xildhaannada.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments