Weerar New Zealand kadib, weeraro kale oo lagu qaaday masaajido Yurub ah.

0
126

Waxaa aad loo adkeeyey amaanka masaajidyada ku yaala agagaarka magaalada Birmingham ee dalka In giriiska ka dib markii shan qof weerar lala beegsaday.

Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ayaa la shaaciyey ka dib markii subaxnimadii Khamiista ahayd la dhagaxeeyey daaqadaha masaajidka.

Wali lama xaqiijinin ujeedka laga lahaa weerarkan, sida ay sheegeen booliska galbeedka Midland.

Masaajidyada ku yaala daafaha caalamka ayaa sidoo kale la adkeeyey ammaankooda ka dib weerar dhimasho badan sababay Jimcihii lasoo dhaafay lala beegsaday masaajid ku yaala dalka New Zealand.

ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay weerarkaas halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Adil Parker, oo ka mid ah guddiga masaajid ku yaala magaalada Birmingham ayaa sheegay in bulshada ay dareemayso cabsi badan.

«Jameecada cabsi ayay dareemayaan, waxay dareemayaan inay yihiin dad nugul waxaana jirta caro badan,» Ayuu yiri Mr Parker. 

Ninkan ayaa waxa uu sheegay inay booliska la qaateen shir wax ku ool ah maalintii Khamiista ahayd.

«Saraakiisha ayaa ilaalinta masaajidka ku howlanaa tan iyo markii aan furnay subixii dambe.»

Waxaa sidoo kale dhibaato loo gaystay xarun diinta lagu baro Muslimiinta oo ku taala wadada Albert Road, ee magaalada Birmingham isla maanlintii Khamiista ahayd.

Booliska Galbeedka Midlands iyo madaxa waaxda dambiyada David Jamieson ayaa yidhi: «Dadkan arrintan kuma guulaysan doonan, dadkii gaystay dambiga noocan ahna gacanta ayaa lagu soo dhigi doonaa.»

Dave Thompson, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska Galbeedka Midlands, ayaa waxa uu sii xoojiyay hadalkaas, wuxuuna yidhi: » Ciidanka iyo waaxda ka hortaga argagixisada waxay si wada jir ah uga shaqaynayaan sidii ay ku heli lahaayeen dadkii masuulka ka ahaa falkan.»

Bayaan ay soo saareen guddiyada masaajidyada ku yaalla magaalada Birmingham ayaa waxa lagu sheegay: «Waxaan aad uga caraysannahay wararka ah in masaajidyada qaar la jajabiyey subaxnimadii Khamiista ahyd.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments