Wasiirkii cadaalada Norway oo is casilay.

0
92

Shir jaraa´id oo ay maanta si wadajir uwada qabteen Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg iyo wasiirka cadaalada, Tor Mikkel Wara, ayaa lagu cadeeyay in Wara uu iska casilay xilka wasiirnimo.

Tor Mikkel Wara oo katirsan Frp ayaa labadii isbuuc ee ugu danbeeyay shaqada uga maqnaa fasax, kadib markii xabsiga la dhigay haweenayda la degneyd, taas oo hey´adda PST-du ku eedeysay inay ka danbeysay hanjabaad loo jeediyay wasiirka laftirkiisa.

Wara oo kamid ah madaxda sar-sare ee xisbiga Frp ayaa noqonayo wasiirkii lixaad ee Frp katirsan oo iska casila wasiirnimada wasaarada cadaalada, tan iyo intii ay xilka qabatay Erna Solberg.

Is casilaada wasiirka ayaa timid kadib hey´adda PST-du ay maanta sheegtay inay balaarin doonaan eedeymaha ka Dhanka haweeneyda la nool wasiirka cadaalada. Haweeneyda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay hanjabaad u dirtay Wasiir kale oo katirsan dowlada Norway.

Wasiirka xilka ka dagay ayaa shirka jaraa´id ku sheegay in markii soo baxeen eedeymaha ka Dhanka ah haweeneyda la degan uu codsaday inuu is casilo, laakiin ay xiligaas ka diiday reysulwasaare Solberg.

Erna Solberg ayaa sheegtay inay u xiisi doonto shaqada wasiirka, ayna ku tixgalineyso codsigiisa i casilaada. Iyada oo sheegtay inay garab istaagi doonaan wasiirka, xiliga adag ee soo wajahay.

Tor Wara ayaa mucaaradka iyo saxaafada Norway uga mahad celiyay sida xushmada leh oo ay ugu qadariyeen Xaalada adag ee wajahday isaga iyo qoyskiiba.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments