Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Xildh. Ilhaan Cumar

0
197

Madaxweynha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa markale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah, kana tirsan aqalka Congress­ka Mareykanka.

Trump ayaa sheegay inay jiraan Xildhibaano neceb Mareykanka xili uu khudbad ka jeedinayey shir looga hadlayay siyaasadda, waxaana dadkii shirkaasi joogay ay ku dhawaaqeen Magaca Ilhaan Cumar.

Waxa uu sheegay inay hayaan dad Xildhibaano ah kana tirsan Aqalka Hoose Mareykanka, isla markaana Neceb Mareykanka. Hadalka Trump ayaa maanta aad looga hadalhayaa warbaahinta dalka Mareykanka.

Dhawaan ayaa waxaa jirtay dood adag oo u dhaxeysay Trump iyo Ilhaan Cumar, taas oo u muuqata in markale uu dib u soo kicinayo Trump.

Ilhaan ayaa dhankeeda horey Trump uga codsatay inuu iscasilo, iyada oo aad u dhaliisha siyaasadiisa uu ku dhaqo dalka Mareykanka.

Aqalka a Congress­ka Mareykanka ayaa waxaa ku jira kadib markii ay dhawaan ku guuleysteen laba Haween Muslimiin ah oo u kala dhashay Soomaaliya iyo Falastin,waxaana lagu kala magacaabaa Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib.

Hayeeshee Trump ayaa aad ugu kacsan Ilhaan Cumar,isaga oo dhawaan ugu baaqay inay xilka iska casisho,balse taasi ay kasoo horjeesatay,isla markaana ay sheegtay in isaga uu mudan yahay in uu is casilo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments