Sweden: Ganacsade soomaali ah oo bishii afaraad u xiran danbi lacag la xiriira.

0
191
Foto: Youtube

Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayaa maalmahan waday dhaq-dhaqaaqyo ay ku dalbanayaan in xoriyadiisa uu dib ugu helo mid kamid ah ganacsatada Soomaalida ah ee ugu waaweyn dalka Sweden.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Bashiir Amaan, ahna maamulaha iskuulada gaarka loo leeyahay ee Al-Azhar ayaa bishii afaraad u xiran tuhun danbiyeed lagu soo eedeeyay oo la xiriira lacago si qaldan loo maamulay.

Bashiir Amaan oo sidoo kale ah milkiilaha bankiga Aman Finance ayaa dalka Sweden ku noolaa mudo 30 sano ah, waana maamulaha iyo milkiilaha iskuulada Al-Azhar oo ay dhigtaan boqolaal caruur soomaali iyo muslimiin ah.

Iskuulada Al-Azhar ayaa waxaa sanadadii ugu danbeeyay warbixino aan wanaagsaneyn ka qorayay warbaahinta dalka Sweden, kadi markii lagu eedeeyay arimo ay kamin yihiin kala sooca ardada gabdhaha iyo wiilasha ah.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments