Sweden: Afar gabdho soomaali ah oo kamid ah 100-ka qof ee sanadka 2019.

0
244
Xuquuqda sawirada: Sveriges Radio

Afar gabdhood oo dhalinyaro soomaali ah ayaa sanadkan kamid noqday liiska 100-ka dumarka ah ee sanadkan laga soo xushay dalka Sweden.

Bilan Osman, Xildhibaan Leyla Cilmi, Farxiyo Feysal iyo fanaanad  Cherrie oo asal ahaan soomaali ah ayaa sanadkan kamid noqday liiska boqolka dumarka ah ee laga soo xushay dalka Sweden.

Xildhibaanad Leyla Cilmi ayaa sanadkan Kamid noqotay baarlamaanka dalka Sweden, waxeyna noqotay qofkii ugu horeeyay ee xijaab xiran ee kamid noqdo golaha shacabka dalkaas.

Bilan Cismaan ayaa qoraa dhalinyaro soomaali ah oo maqaalo kusoo daabacda warbaahinta dalka Sweden. Waxeyna ka hadashaa arimaha cunsuriyada, islaamka, soo galootiga iyo dadka laga tirada badanyahay.

Farxiyo Feysal ayaa ah gabyaa curiso suugaan af Swedish ah, waxeyna horey uga qeybgashay tartamo suugaaneed lagu qabtay dalka Sweden.

Cherrie ayaa ah fanaanad caanka ka ah dalka Sweden, iyadna hormuud u ah fanaaniinta kasoo jeedo qowmiyadaha soo galootiga ah.

Xigasho/kilde: Expressen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments