onsdag, april 24, 2024

Suaalo la iska weydiinayo diyaarada Boeing oo bilo gudaheed markii labaad Burburtay.

Diyaarada Rakaabka ee Boeing oo uu soo saaray Mareykanka ayaa la iska weydiinayaa Suaal kadib markii shalay ay burburtay diyaarada Ethiopian Airlines 737 oo ay ku dhinteen 157 oo isugu jiray shaqaalaha iyo rakaabkii Saarnaa.


Waa burburkii labaad oo diyaarad noocan ay burburto shan bil gudaheed iyadoo diyaarad nooceedu yahay 737 Max 8, ay bishii October ee sanadkii hore ay ku burburtay wadanka Indonesia.

Wadamada Shiinaha iyo Itoobiya oo diyaaradahooda Rakaabka ay badi yihiin ceynkaan ayaa hada doonaya Jawaab bixin iyo baaritaan ku aadan Arintaan.

Balse qabiirada ku taqasusay dhanka diyaaradaha ayaa ka digaya in lagu deg dego in cilada ay tahay nooca ugu danbeeyay ay diyaaradan casriga ah ee shirkada Boeing 737 oo lagu Farsameeyay Mareykanka.

Maamulka Shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa sheegay in diyaarada ay ka soo duushay axadii shalay 8-dii iyo qadar 44 daqiiqo xiliga maxaliga ah ee dalka iyadoo lix daqiiqo kadib markii ay hawada ay ku jirtay ku burburtay meel u dhow magaalada Bishoftu, oo qiyaastii 60 kiiloo mitir dhanka koonfur galbeed uga beegan caasimada Adiss Ababa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x