Shilkii Diyaarada Itoobiya : Imisa ayaa Soomaali ah?

0
97

Diyaaradii Ethiopian Airlines ee shalay ku dhacday agagaarka magaalada Addis Ababa ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 157 oo saarnaa, waxaana dadkaas ka mid ah dad Soomaaliyeed. 

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa shaacisay in dadka shilka ku dhintay ay ka kala yimaadeen illaa 30 dal oo kala duwan, xogtaas oo dabcan lagu saleeyay baasaboorada ay wateen dadkaas. 

Liiska waxaa ku jiray hal qof oo sita baasaboorka Soomaaliga, sidaas darteed ayaa xogta soo baxday waxa lagu sheegay in hal qof oo Soomaali ah uu ka mid ahaa dadkii qaraxa ku dhintay. 

Laakiin waxaa soo baxay inay jiraan dad kale oo soomaali ah oo diyaarada saarnaa, balse heystay Dhalashada dalal kale.

Waxaa dadkii dhintay shilka ka mid ahayd gabar Soomaali ah oo heysata dhalashada dalka Canada, waxaana la geeriyooday ilmo yar oo ay wadatay.  

Cabdifataax Imaan Shafat waxa uu ka mid yahay qaraabada gabadha, isaga oo shalay ku sugnaa garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta oo ehelka dadkii diyaaradda saarnaa ay xog ka doonteen ayuu warbaahinta u sheegay

«Gabadha waxa ay aqal gali lahayd maalinka jimcaha, Canada ayay ka timid, waana musiibo qoyskeeda qabsatay». 

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in madixii hab-maamuuska xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Cabdishakuur Shahaad uu ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday. 

Dalka Mareykanka waxaa laga soo xaqiijiyay inuu shilka ku geeriyooday nin soomaali ah oo heystay dhalashada dalka Mareykanka. Waxaana lagu magacaabi jiray marxuumka geeriyooday Siraaje Xuseen Cabdi

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments