Minnesota: Soomaali kale oo ku guuleystay xil sare oo siyaasadeed.

0
151

Cabdiraxmaan Muuse oo ka mid ah Soomaalida deggan Maraykanka gaar ahaan Minnesota ayaa loo dhaariyey golaha sare ee jaangooyacqorshaha siyaasadda, dhaqaalaha, guriyeynta iyo hawlaha guud ee kala badh gobolka Minasoota. Golahan waxay dusha ka maamulaan 186 magaalo oo ay deggan yihiin illaa lab malyan iyo badh dadka reer Minisoota. Waxa ayna guddidani ka kooban yahay 16 qof oo uu magacaabo guddoomiyaha gobolka Minisoota.

Cabdiraxmaan iyo guddidii kale ayaa loo dhaariyey si wadajir ah, kaddibna keligii ay si gaar ahaaneed loogu dhaariyey kitaabka qur’aanka ah, maadaama uu yahay qof muslim ah.

Cabdiraxmaan oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay:

«run ahaantii waa masuuliyad culus, waxaana aniga iigu muhiimsan siyaasad ahaan arrimaha guryaynta, in dadkla laga tiro badan yahay helaan guryo ku habboon, in horumarinta dhaqaalaha la kobciyo si dadyawga dhaqaalahoodu hooseeyo ee ay ka mid yihiin dadka soogalootiga ah tayadooda dhaqaale kor loo soo qaado»

Soomaalida degan mMinnesota ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay si weyn uga dhex muuqda siyaasada gobolka iyo guud ahaan dalweynaha Mareykanka.

Xigasho/kilde: BBC-Somali


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments