MD Erdogan: Caalamku Waa inuu wax ka qabtaa islaam naceybka sii kordhayo

0
205

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcaha maanta ah ugu baaqay wadamada caalamka in ay la dagaalamaan falalka Islaam naceyb-ka ah ee sii kordhaya.


Hadalka Erdogan ayaa ku soo aadayaa isbuuc kadib weerar lagu qaaday masaajido ku yaal magaalada Christchurch, ee dalka  New Zealand oo ay ku dhinteen 50 qof.

Bani aadan ahaan anaga oo fiirineyna waa in aan ka hor tagnaa islaam naceyb-ka ayuu yiri kadib qudbad uu ka jeediyay shirka wadamada iskaashiga Caalamka


Dhanka kale wasiirada arimaha dibeda wadamada muslimiinta ayaa soo dhaweeyay talaabada ay qaaday xukuumada New Zealand iyo Ra’isul wasaare Jacinda Ardern.


Ms Arden ayaa dhanka kale maanta muujisay in ay garab taagan tahay muslimiinta New Zealand.

Wasiirka arimaha dibeda New Zealand Winston Peters oo lagu marti qaaday shirka ayaa sheegay in dalkiisa uu xaqiijin doono badbaadada shacabka Muslimka ah oo wali walaac ka muujinaya dhacdo la mid ah mashaqadii  Christchurc.


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments