Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah Xildh. Ilhaan Cumar

0
108

Madaxweyne Kuxigeenka dalka Mareykanka, Mike Pence ayaa ku biiray dagaalka afka ah ee ka dhanka xildhibaanada asalkeedu Soomaaliga yahay ee katirsan Congress-ka Mareykanka, Ilhaan Cumar.

Mike Pence ayaa talo ahaan u soo jeediyay in Xildhibaan Ilhaan Cumar laga saaro Guddiga xiriirka dibadda ee Golaha aqalka hoose ee Mareykanka, isagoo arintaasna sabab uga dhigay inay dadka Mareykanka ka dhex bilowday isir neceyb iyo kala sooc.

Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo hadal ka jeediyay kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda Israa’iliyiinta Mareykanka ee AIPAC ayaa ku eedeeyay Ilhaan inay wado sidii ay u kala fogeyn laheyd Mareykanka iyo Israa’iil.

“Waxey ku dadaaleysaa sidii Mareykanka uu u necbaan lahaa Israa’iil, waxaase u sheegayaa in labada dal aysan laheyn xiriir oo kaliya, balse ay yihiin hal qoys” ayuu yiri Pence.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniinta shalay ku dhawaaqay in si rasmi ah uu ugu aqoonsan yahay buuraha Golan Heights in ay leedahay Israel, xilli Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu booqasho ku tagay aqalka cad ee Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer cambaareysay deegaameynta ay Israa’iilka ka wado dhulka ay xoogga ku heysato ee reer Falastiin, waxaa kale oo ay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Mareykanka uusan ahayn meel dalal gaar ah lagu naasnuujiyo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments