Dumarka soomaalida Denmark: Waxaan rabnaa inaan shaqeysano, laakiin….

0
165

Xog uruurin iyo daraasad dhawaan laga sameeyay dalka Denmark ayaa lagu soo bandhigay in dumar badan oo soomaali ah ay rabaan inay shaqeystaan, balse ay jiraan caqabado ka hortaagan kamid noqoshada suuqada shaqada.

Dumarka soomaalida ah ee lagu wareystay xog uruurintan ayaa sheegay inay rabaan inay suuqa shaqada kamid noqdaan, si ay uga baxaan ceebeynta iyo magac xumada laga aaminsanyahay, warbaahintuna ay wax ka qorto.

Xog uruurintan ayaa lagu sheegay in dumarka soomaalida ah aysan rabin Inay guryo joog noqdaan, ayna rabaan inay ka qeybqaataan suuqa shaqada ama ay waxbarasho qaataan.

Dumarka soomaalida ah ayaa sidoo kale qeexay inay faquuq kala kulmaan goobaha shaqada, ayna jiraan caqabado ka heysta kamid noqoshada suuqa shaqada. Ayna ugu weynyihiin luuqada iyo aqoontooda xirfadeed ee shaqada.

Xigasho/kilde: Avisen.dk 1, Avisen.dk

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments