Dowlada: Waxaan sameyn doonaa sharci u gaar ah turjubaanada.

0
90
Jan Tore: Wasiirka cusub ee waxbarashada iyo isdhexgalka Norway

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada Norway ayaa sheegay inuu baarlamaanka u gudbin doono hindise sharciyeed ku saabsan in sharci gaar ah loo sameeyo turjubaanada ka turjuma xarumaha dowlada.

70% turjubaanada ka turjuma xarumaha dowlada ayaa la sheegay ineysan heysan cadeyn ku saabsan aqoontooda turjubaanimo. Waxaana mararka qaarkood aqoon la´aanta turjubaanka ka dhalato dhibaatooyin, mararka qaarkoodna waxaa gaaraa go´aano aan sax aheyn, sabab la xiriirto qalad ka yimaada xaga turjubaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka sharcigan cusub ee dowladiisu ay rabto iney sameyso uu yahay, in la sugo aqoonta qofka turjubaanka ah. Sidoo kale la qeexo heerka qofka turjubaanka ah ee ka turjumi karo xaaladaha qaar ama xaaladaha loo baahanyahay turjumaan.

Ururada ka shaqeeyo arimaha caafimaadka ayaa soo dhaweeyay arintan.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments