Baashe Muuse oo laga reebay liiska musharaxiinta xisbiga Ap ee Oslo.

0
125
Foto: Ap

Xisbiga Ap, laantiisa Oslo ayaa maalmo kahor soo saaray liiska kama dambeysta ah ee musharaxiinta xisbigaas doorashada sanadkan uga tarmi doono Oslo. Waxaana liiskaas aan kujirin Baashe Muuse oo ah siyaasiyiga soomaaliga ah ee ugu caansanaa xisbigaas.

Baashe oo tan iyo 2011-kii kamid ahaa golaha deegaanka Oslo, labo marna ku guuleystay doorashooyinkii golaha deegaanka, ayaa markan laga reebay litiska xisbiga Ap uga tartami doono Oslo.

Ka reebista Baashe ee liiska musharaxiinta ayaa kusoo aaday xili bilooyin kahor uu TV-ga NRK Baashe ka diyaariyay warbixino ay ku sheegeen inuu siyaabo kala duwan uga hadlay kiiskii ku saabsanaa caruurta soomaalida ah ee la dhaqanceliyo.

Ap oo diiday inay jawaab ka bixiyaan.

Espen Barth Eide oo ah madaxa gudiga soo xulista musharaxiinta xisbiga Ap, ayaa diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo saameynta ay warbixinta NRK ku yeelatay go´aanka ka reebista Baashe ee liiska musharaxiinta.

Wuxuuna sheegay in go´aankaas uu ahaa mid ku yimid kadib qiimeyn guud oo ay sameeyeen gudiga soo xulista.

Ilo katirsan xisbiga Ap ayaa xili sii horeysay NRK ugu sheegay in warbixinta NRK ay saameyn ku yeelan doonto musharaxnimada Baashe ee golaha deegaanka Oslo.

Baashe: Ma ahan wax u fiican xisbiga Ap iyo Soomaalida.

Baashe oo jawaab qoraal ah u diray NRK ayaa sheegay in ka reebista laga reebay liiska musharaxiinta Ap ee Oslo, aysan aheyn wax u fiican xisbiga Ap ama soomaalida. Wuxuuna raaciyay inay lumin karaan codad badan, isaga oo sheegay inay xiriir lasoo sameeyeen dad badan oo fal celin ka muujiyay inaan mar kale lagu soo darin liiska musharaxiibta.

Labo dhalinyaro ah: Fawzi iyo Kaafiyo.

Xisbiga Ap ayaa sanadkan liiska musharaxiinta Oslo kusoo daray labo dhalinyaro ah oo xilal kasoo qabtay ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF. Fawzi Warsame iyo Kaafiyo Haaruun ayaa sanadkan kamid ah dadka xisbiga Ap uga tartami doono Oslo.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments