Baarlamaanka Midowga Yurub oo isku raacay in la joojiyo bedelka saacada ee xiliga xagaaga.

0
177

Dhowaan waxaa la filayaa in waddammada xubnaha ka ah ururka ururka Midowga Yurub ay joojiyaan hor u dhigista ama dib u dhigista saacadda ee xilliyada kuleeylaha iyo qaboobaha. iyada oo uu baarlamanka EU uu shalay u codeeyay in laga baxo isbadalka saacada.

Sida ay sheegtay Marita Ulvskog, mar ay u warrantay Andreas Liljeheden, oo laanta wararka Ekot uga soo warrana magaalada Strasbourg.

– Wuxuu ahaa bayaan wanaagsan oo cad inaan loo baahneyn in lagu mashquulo saacad marna horay loo dhigo, marna dib loo celiyo ee xilliyada kuleeylaha iyo qaboobaha. Waa in laga kaaftoomo sida ay sheegtay.

– Wixii intaa ka dambeeya dawlad walba oo xubin ka ah ururka EU-da  iyada ayaa go’aan ka gaari doonta saacadda soonka (Zon-ka) ay doonayso inay la qabsato ama ku sugnaato caadiyan, in lagu ekaado saacadda xilliga kuleeylaha ama midda xilliga qaboobaha,

-Intaa waxaa dheer in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo si aanu khalalaase wakhti u kala dhex gelin tusaale ahaan waddammada Danmark iyo Jarmalka ama Danmark iyo Sweden,  sida ay hadalka u dhigtay.

Balse si looga kaaftoomo bedbedelka saacadda waxaa lama huraan noqoneeysa inay dawlad walba oo xubin ka ah ururka midowga Yurub go’aan ka qaadato , hase yeeshee aan illaa hadda aan wax dood ah laga furin arrinkaa..

Goormaa laga yaabaa inuu hirgalo?

Waxay noqon kari lahayd sannadka 2021 in la joojiyo is bedelka saacadda ee xilliyada kuleeylaha iyo qaboobaha, hase yeeshee waxay ku xiran tahay dawlad walba sida ay go’aamiso, sida ay sheegtay Marita Ulvskog oo xisbiga Socialdemokraterna u metesha golaha baarlamanka EU-da, isla markaana masuul ka ahayd hab socodsiinta go’aankii howshaa la xiriiray.

Norway maxey sameyn doontaa:

Dowlada Norway ayaa horey u sheegtay inay la socoto guuxa joojinta isbadalka saacada ee ka socday midowga Yurub. Waxeyna sheegeen inay go´aan ka gaari doonaan, marka ay midowga Yurub go´aan isku raacaan.

Xigasho/kilde: Radio-sverige-laanta afka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments