Abid Raja oo iska fogeeyay hadalka Siv Jensen.

0
137
Foto: Stortinget.no

Abid Raja oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, kana tirsan xisbiga Venstre ayaa iska fogeeyay hadalka ay wasiirada maaliyada Norway ku sheegtay in korarka tirada dadka soo galootigu ah ay sabab u tahay saboolnimada caruur.

Raja ayaa sheegay in ajaaniibtu ay wanaag u yihiin Norway, taasna ay qeyb ka tahay siyaasada afarta xisbi ay ku mideysanyihiin ee lagu dhaqo xukuumada hada taliso.

Xisbiga Venstre ee uu Abid Raja katirsanyahay ayaa sanad iyo barkii ugu danbeeyay xukuumad wadaag ah kula jiray xisbiga Frp oo ay gudoomiyaha u tahay Siv Jensen.

Abid Raja oo asal ahaan ay waalidkii kasoo jeedaan dalka Pakistan ayaa sheegay in hadalka Siv Jensen uu wiiqayo fariinta iyo siyaasada xukuumada Norway.

Wuxuuna raaciyay in ujeedku aysan aheyn in ajaabiinta loo tusiyo dadka inay yihiin dhibaato kale, laakiin ay tahay awood isdhexgal bulsheed.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments