torsdag, april 25, 2024

Wiil soomaali ah oo ku guuleystay tartanka horyaalka orodka 1500 M ee Norway

Abduljaleel Mohamoud Ismail Hir oo ah orodyahan asal ahaan soomaali ah ayaa ku guuleystay tartanka horyaalka orodka 1500 M ee Norway. Wuxuuna ku guuleystay bilada dahabka ah ee tartankaas.

Abduljaleel Mohamoud Ismail Hir

Abduljaleel oo horey loo saadaalinayay inuu kamid yahay mid kamid ah dadka mustaqbalka weyn ku leh tartamada orodada Norway iyo guud ahaan Yurub, ayaa mar kale muujiyay inuu yahay qof leh awood iyo hibo gaar ah oo dhanka orodada ah.

Wareysi uu siiyay warbaahinta orodka kadib ayuu ku sheegay inuu tababaro kusoo qaatay Afrika xiliyadii ugu danbeeyay uuna soo sameeyay diyaar garow.

Waxaa loo doortay inuu Norway matalo:

Sida uu NorSom News u xaqiijiyay macalinka Abduljaleel, Martin K. Andersen, Abduljaleel ayaa hada loo doortay xulka orodyanada Norway ku matali doono dhamaadka isbuuca soo socdo. Isaga oo la ordi doono orodyahanada ugu guulaha badan Norway ee xiligan, Sida Jakob Ingebringsten.

Abduljaleel M. Ismail ayaa isaga oo Norway matalaya ka qeybgali doono tartanka oo ay qeyb ka yihiin orodyahano u ordayo dalalka Sweden, Denmark iyo Finland.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x