Wasiirka isdhexgalka: Suurtogal ma ahan in la joojiyo dejinta qoxootiga ee Oslo

0
118
Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway: Jan Tore Sanner Foto: Wikipedia

Maalmihii waxaa warbaahinta Norway laga hadalhayay codsiyo ka yimid dhinacyo kala duwan, kuna saabsanaa in dowladu ay joojiyso qoxootiga cusub ee dib u dajinta loogu sameynayo caasimada Oslo.

Madaxa booliska Oslo ayaa isbuucii hore sheegay inay fiicnaan laheyd in la joojiyo qoxootiga cusub ee Oslo lasoo dajinayo, si aysan usii kordhin amni xumada kajirta magaalada. Isaga oo codsaday in qoxootiga wadanka ku cusub la dajiyo meelaha Oslo ka baxan.

Wasiirka isdhexgalka: Suurtogal ma ahan

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada Norway , Jan Tore Sanner oo ka jawaabayo arintaas ayaa sheegay ineysan suurtogal aheyn xiligan la joojiyo qoxootiga cusub ee Oslo lasoo dajinayo. Isaga oo raaciyay in Oslo ay waajib ku tahay inay qeybteeda ka qaadato dib u dajinta loo sameynayo qoxootiga cusub ee Norway ay qaabisho.

Wasiirka ayaa sheegay in Oslo ay leedahay khibrad dheeri ah oo la xiriirta dib u dajinta qoxootiga iyo dhexgalintooda bulshada inteeda kale. Loona baahanyahay in laga faa´iideysto.

Hey´adda dib u dajinta u qaabilsan dowlada Norway ee IMDI ayaa sanadkan codsatay in magaalada Oslo dib u dajin loogu sameeyo ilaa 350 qof.

Xigasho/kilde: NPK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments