Wasiir Cawad: Soomaaliya waxey diyaar u tahay inay qaabisho dadka diidmada ka heysta Sweden.

0
117

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo dhawaan booqasho ku yimid dalka Sweden ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qaabisho soomaalida diidmada ka heshay codsiga magangalyada ee kunool dalka Sweden.

Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay wasiirada arimaha dibadda dalk Sweden, Margot Wallström oo booqasho rasmi ah u fidisay dhigeeda Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay idaacada Radio Sverige, qeybteeda afka soomaaliga ayaa sheegay in Sweden ay xor u tahay qofka ay sharci siineyso iyo qofka ay u diideyso. Balse dowladiisu ay qasab ku tahay inay qaabisho soomaalida diidmada ka heysato sharciyada magangalyada.

Wasiirka oo ka jawaabaya su´aal laga weydiiyay arintan ayaa ku jawaabay:

Khasab Soomaaliya mar walba waa u diyaar in ay qaabisho muwaadiniintooda meel walba oo ay aduunka ka joogaan. Sweden iyadaa xor u ah cidda ay wadankeeda sharci ka siinayso, iyo kuwa aanay ka siin, ayuu sheegay.


Dalka Sweden ayaa kamid ah meelaha ay soomaalidu aadka magangalyada ugu soo raadsan jirtay sanadihii burburka Soomaaliya kadib, waxaana dalkaas kunool boqolaal qof oo diidmo ka heysto codsiga magangalyada. Kuwaas oo la fili karo in saameyn toos ah ay ku yeelato hadalka Wasiir Cawad iyo balan qaadkiisa ku aadan in dowladiisu ay diyaar u tahay qaabilaada dadka diimada ka heysta diidmada.

Xigasho/kilde: SverigesRadio.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments