TV2: Haweenay Norwiiji ah oo magangalyo ka heshay Poland: Waxey ka carartay barnevern.

0
176
Foto: skjerdump/TV2

Silje waa haweenay Norwiiji oo kasoo jeedo Oslo, waxeyna magangalyo ka heshay dalka Poland, oo bishii Mai ee Sanadkii 2017 ayay u carartay, iyada oo wadato gabar ay dhashay oo jirto sanad iyo bar.

Sida uu qoray TV2, haweeneydan ayaa ka carartay hey´adda xanaanada caruurta ee loo yaqaan Barnevernka. Iyada oo sheegtay inay dareemeysay in si cadaalad daro ah ay ula dhaqmeen, ayna ka cabsaneysay in laga wareejiyo xanaanada gabadheeda.

Qareenka haweeneydan ayaa TV2 u sheegay inay heshay caawin iyo taageero. Isaga oo raaciyay in Norway ay jabisay qodobka 8-aad ee xeerka Yurub, ahna xeerka bini-aadantimada iyo dhaqanka qoysaska.

Haweeneydan ayaa noqoneyso qofka kali ah ee Norwiiji ah ee magangalyo ka helay wadan katirsan EU-da, sida uu qoray TV2.

Norway: Poland iyada go´aankeeda leh:

Wasaarada arimaha dibadda Norway oo wax laga weydiiyay go´aanka ay Poland magangalyada ku siisay haweeneydan, ayaa sheegtay in go´aankaas uu yahay mid u dhaxeeyo qofka iyo dowlada Poland ee magangalyada siisay. Ayna ka go´aan ka gaarista iyo siinta magangalyada iyo waxa lagu saleeyay ay tahay mid u taalo dowlada Poland, Norweyna aysan waxbo lug ah ku laheyn.

Arintan ayaa kusoo aadeyso xili maalmo kahor ay Norway dalkeeda ka ceyrisay qunsul katirsanaa safaarada Poland ee Norway, kaas oo ay cabasho ka gudbiyeen hey´adda xanaanada caruurta. halka Poland dhankeeda ay ceyrisay diblumaasi katirsanaa safaarada Norway ee Poland.

Haweeneydan ayaa hada sheegtay inay rajeyneyso inay raali galin ka hesho hey´adda xanaanada caruurta ee barnevernka.

Xigasho/kilde: TV2.NO(HALKAN KASII DAAWO MUUQAALKA)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments