Trump oo gabadhan kahor istaagay inay Mareykanka kusoo noqoto

0
107

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa amray in dalka Mareykanka aysan cagta soo saari karin haweenay ku biirtay kooxda Daacish.

Hoda Muthana ayaa kamid ah boqolaal gabdho muslimiin ah oo ka tagay dalalka galbeedka, kuna biiray ururka Daacish ee ka dagaalami jiray dalalka Siiriya iyo Ciraaq. Iyada oo qaarkood ay guursadeen dagaalyahano kamid ah ururkaas, caruurna ay u dhaleen.

Trump ayaa qoraal uu Twitter-ka ku qoray ku sheegay inuu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo «in Hoda Muthana aan loo ogolaan in ay dib ugu soo noqoto dalka Maraykanka»

Pompeo ayaa horay u sheegay in gabadha 24 jirka ah aysan ahayn muwaadinad Maraykan ah isla markaasna aan loo ogolaan doonin in ay dib ugu soo noqoto dalkiisa.

Qoyskeeda gabadhan iyo qareenkeeda ayaa ku adkaysanaya in ay tahay muwaadinad Maraykan ah. Hoda ayaa ku kortay Alabama , waxeyna u safartay Suuriya si ay ugu biirto Kooxda Dawladda Islaanka iyada oo markaas 20 jir ahayd.

Hassan Shibly oo ah qareenka qoyska Hoda ayaa sheegay «in wax laga caroodo ay tahay» in Trump uu dalalka Yurub ugu baaqo in ay muwaadiniintooda la wareegaan» haddana uu arrin middaa ka badalan la imaanayo marka ay timaaddo muwaadiniinta Maraykanka».

Dadka arrimahan ka faalooda ayaa sheegaya in doodda Maraykanka ay darantahay xaqiiqada ah in aabaheed uu ahaan jiray Dublamaasi reer Yemen ah. Carruurta ay dublamaasiyiintu dhaleenna isla markiiba looma aqoonsado muwaadiniin marka shuruucda dalka la fiiriyo.

Si kastaba ha ahaatee qareenkeeda ayaa ku doodaya in aabaheed uusan dublamaasi ahayn markii ay gabadhani Maraykanka ku dhalanaysay.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments