torsdag, mars 28, 2024

Sweden: Dadka heysta dhalashada Sweden ee usoo dagaalamay Daacish, waa in maxkamad caalami ah la saaraa.

Wasiirka cadaaladda dalka Sweden, Morgan Johansson, ayaa mar uu wareysi siinayay telefishinka SVT sheegay in ay fiicnaan laheyd in muwaadiniinta iswiidhishka ah ee ka garab dagaalamay ururka argagaxisada ee Daacish, kiisaskooda lagu tijaabiyo maxkamad u dhiganta tan caalamiga ah ee aduunka.

Wuxuuna raaciyay inay fiicnaan laheyd in xiligaas wadamada ay ku suganyihiin lagu maxkamadeeyo, aana loo soo celin Sweden. Morgan Johansson ayaa sheegay in dembiyada ay dadkan ay ka qeybqaateen ay u dhigmaan xasuuqii dalka Ruwanda ka dhacay sanadkii 1994.

Wasiirku wuu ka soo horjeestay in dalka Sweden gacan caawimaad ah uu siiyo muwaadiniinta iswiidhishka ee ka garab dagaalamay ururka Daacish, hadana raba inay kusoo noqdaan dalkaas. Isaga oo sheegay in masuuliyad dadkaas ay tahay mid u taalo ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya falal danbiyeedka caalamiga, aysana aheyn in dusha laga saaro oo kali ah dalka Sweden ama Kurdistaan oo ay hada qaarkood ay ku suganyihiin.

Reysulwasaaraha Sweden ayaa sidoo kale horistaagay in gabdho heysta dhalashada Sweden oo kasoo dagaalamay Siiriyo loo fidiyo gacan, si ay ugu noqdaan Sweden.

Xigasho/kilde: Sveriges-radio

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x